MUQDISHO (HALBEEG)-Qarax aad u xooggan oo laga maqlay meelo badan oo ka tirsan Muqdisho ayaa ka dhacay Degmadda Hodan ee Gobalka Banaadir.
Warar hor dhac ah ayaa sheegaya in gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay meel udhow Xarunta Maamulka Degmadda Hodan ee gobolka Banaadir
Khasaaraha ka dhashay qaraxan ayaan illaa iyo hadda aan la ogeyn
Ciidamo ka socda dowladda federaalka ayaa goobta gaaray iyaga oo markiiba xiray aagga uu qaraxa uu ka dhacay.
Bilowgii bishan September ayay aheyd markii qarax lala beegsaday xarunta degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa shalay dhagax dhigay dib u dhiska xaruntii maamulka degmada Howlwadaag, masjid iyo dugsi quraan ku burburay qaraxii horaantii bishan lala beegsaday xarunta degmada Howlwadaag.