MUQDISHO(HALBEEG) Wasiirka wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Godax Barre ayaa manata xafiiskiisa ku qabilay madaxa hay’adda Al-Ma’arif Foundation ee dalka Turkiga u qaabilsan arimaha waxbarashada Soomaaliya Mustafa Yilmaz.
Kulankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha waaxda dugsiyada dowlaadda,xubno kale oo ka tirsan wasaaradda waxbasharada hidaha iyo tacliinta sare, sidoo kala kulanka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka tirsan hay’adda Ma’arif Foundation.
Wasiirka waxbarshada Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Bare ayaa sharraxaad ka siiyay madaxda hay’adda Al Ma’arif Foundation heerka waxbarashada dalka iyo isbedelka lagu sameeyay manhajka waxbarashada dalka.
Wasiir Goodax ayaa u sheegay xubnahan in wasaaradda waxbarashada ay dadaal ugu jirto sidii kor loogu qaadi lahaa waxbarashada dalka.
“Waxaan,wadnaa howlo aan ku dooneyno in aan kor ugu qaadno waxbarashada dalka iyo sidii dadka somaliyeed ay u heli lahayeen waxbarasho tayo leh ,waxa aan rajeyna in aad garab nagu siin doontaan’’ ayuu yiri wasiirka waxbarashada Soomaaliya.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulahi Goodax Barre ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga dadaalada horumarineed ee ay ka wado dalka.
Madaxa hay’adda Ma’arif Foundation ee Soomaaliya Mustafa Yilmaz ayaa ballan qaaday inay sii laba jibaari doonaan tageerada dhanka waxbarashada ee ay siiyaan ummadda Soomaaliyeed.