• SOOMAALI
  • ENGLISH
Wednesday, February 20, 2019
Halbeeg News
  • Bogga Hore
  • Soomaaliya
    Shirka qaran ee dhab-u-heshiisiinta oo maanta ka furmay Muqdisho

    Shirka qaran ee dhab-u-heshiisiinta oo maanta ka furmay Muqdisho

    RW ku xigeenka Soomaaliya oo Sucuudiga kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi

    RW ku xigeenka Soomaaliya oo Sucuudiga kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi

    Shirkadda Spectrum oo beenisay eedda Kenya ee ku saabsan khilaafka badda ee Soomaaliya

    Shirkadda Spectrum oo beenisay eedda Kenya ee ku saabsan khilaafka badda ee Soomaaliya

    Baarlamaanka Kenya oo dib u dhigay safar ay wasiirka arrimaha dibaddu ku imaan lahayd Muqdisho

    Baarlamaanka Kenya oo dib u dhigay safar ay wasiirka arrimaha dibaddu ku imaan lahayd Muqdisho

    QM iyo dowladda Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku daahfuray sanduuqa dhisidda Nabadda

    QM iyo dowladda Soomaaliya oo maanta Muqdisho ku daahfuray sanduuqa dhisidda Nabadda

    RW Kheyre oo maanta dhagax-dhigay waddooyin isku xiraya Banaadir iyo labada Shabeelle

    RW Kheyre oo maanta dhagax-dhigay waddooyin isku xiraya Banaadir iyo labada Shabeelle

    Madaxweyne Farmaajo oo socdaalkiisii ugu horreeyay ugu duulay Burundi

    Madaxweyne Farmaajo oo socdaalkiisii ugu horreeyay ugu duulay Burundi

    Dowladda Soomaaliya oo Kenya u sheegtay inaanuu jirin dhul lagu muransanyahay oo la suuq-geeyay

    Dowladda Soomaaliya oo Kenya u sheegtay inaanuu jirin dhul lagu muransanyahay oo la suuq-geeyay

    Qaar ka mid ah wasaaradaha Jubbalaan oo loo dhisay dhismaayaal casri ah

    Qaar ka mid ah wasaaradaha Jubbalaan oo loo dhisay dhismaayaal casri ah

  • Caalamka
    • All
    • Caafimaad
    • Caalamka
    • Ciyaaraha
    • Madadaalo
    • Muuqaalo
    • Qormooyin
    • Soomaaliya
    • Tiknolojiyad
    • War Degdeg
    • Xulka

  • Ciyaaro
  • Caafimaad
  • Madadaalo
  • Muuqaallo
  • Tiknolojiyad
No Result
View All Result

Home Qormooyin

Bohosha sii weynaanaysa ee u dhaxaysa wax soo dejinta iyo Dhoofinta Somaaliya

September 15, 2018
in Qormooyin, Xulka
0
Bohosha sii weynaanaysa ee u dhaxaysa wax soo dejinta iyo Dhoofinta Somaaliya
7
SHARES
9
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

10-kii Bishan September, 2018 waxaan la ballansanaa naxdin!

Naxdintu waxa ay la xiriirtaa Baanka Adduunka (World bank) oo soo bandhigay daraasad aanan aad ugu kalsoonayn, laakiin aanan haysan wax ii bedela oo ku saabsan dhaqaalaha Soomaaliya iyo sida ay u falgalaan walxaha kala duwan ee saamaynta tooska ah ku leh dhaqaalahaasi (Dhaqaale waxaa loola jeedaa habka wax soo saarka iyo dakhli, badeeco iyo adeeg qaybinta dal leeyahay).

Warbixintu inkasta oo ay iftiimisay kobac dhaqaale kooban oo dalku sameeyay, haddana  waxay hoosta ka xarriiqday arin aan horay ugu toog hayay oo ah in qiimaha walxaha Soomaaliya dhoofisay sanadkii 2017 ay ahaayeen wax u dhigma 14.5% ka mid ah wax soo saarka guud ee dalka (GDP) taas oo la eg $1,015,000,000.00 (Hal bilyan iyo shan iyo toban milyan oo doolar) halka qiimaha walxaha Soomaaliya soo dejisatay isla xilligaas ay ahaayeen wax u dhigma 69.6% ka mid ah wax soo saarka guud ee dalka (GDP) taas oo la mid ah $ 4,872,000,000 (Afar bilyan, sided boqol todobaatan iyo labo milyan oo doolar, tiiyoo farqiga (trade deficit-ka) sanadkaas oo qura ka dhigaysa lacag dhan  ($3,857,000,000) (Saddex bilyan, sideed boqol konton iyo todoba milyan oo doolar).

Maalmo ayaan aamusay bal in nin lihi doonto oo dawladda, aqoonyahanka ama ganacsatada dalku ka hadlaan ama isu taagaan wax ka qabadka arinkan.

Mase waa shib!

Cid ka hadlaysaaba ma jirto. Kolka ay halkaas marayso ayaa qalinkaygu is hayn waayay oo go’aansaday in aan falanqayntan qoro bal inaan xusuusiyo aqoonyahan illawsan ama aan baraarujiyo damane hurdaaya ama aan tacliimiyo aqoon-yare aan wax badan aqrisan.

Maxay ka dhigantahay kala badashada dhoofinta iyo soo dejinta dalku?

Arinkan marka la soo koobo, waxa uu ka dhiganyahay in sanadkii 2017 ay dalkeenna dibadda uga baxday netka lacag adag oo in yar ka hoosaysa 4 bilyan oo doolar taas oo haddii aan wax laga qaban ugu danbaysta sababi doonta in aan faqiirno ama hanti beelno qaran ahaan (National Bankruptcy).

Dhanka kale, haddii wax dhoofinteennu ka badnaan lahayd wax soo dejinteenna, waxaa dalkeenna soo geli lahaa lacag adag oo badan, taas oo mustaqbalka inoo horseedaysa inaan noqonno qaran ladan ama leh hanti aruurtay (Accumulated wealth) annaga oo lacagahaas u adeegsan karna dib u dhiska kaabayaasha dhaqaale ee dalka (Iyada oo loo marayo bankiyada iyo nidaamka maaliyadeed ee dalka) isla markaana shaqooyin ugu abuuri karna da’yarteenna camal la’aanta ah .

Farqiga u dhexeeya wax dhoofiskeenna iyo wax soo dejinteenna hadda waxaa inoo kaba lacagaha xawaaladaha ee qurbe joogtu soo diraan iyo deeqaha dalku ka helo dunida kale.

Haddii aan labadaas kaabe (Xawaaldaha iyo deequhu) jirin maxaa dhici lahaa?

Waxaa dhici lahaa gaajo, isdil iyo ku dagaalan khayraadka, heerka shaqo-la’aanta iyo tahriibka oo sii kordha, wareegga lacagta iyo kaydka oo hoos u dhaca, maalgashiga oo dibadda innaga aada iyo awoodda wax iibsiga muwaadinka oo wiiqanta.

Haddaba Sidee sare loogu qaadi karaa wax dhoofiskeenna isla markaana hoos ugu dhigi karnaa soo dejinteenna?

Walxaha dalkeennu caanka ku ahaa dhoofintooda waxaa ka mid ahaa: Xabagta, Xoolaha nool, mallaayga, muuska, cusbada, Maqaarka xoolaha, Dhuxusha (Oo waayada burburka bilaabatay, hase yeeshee aan ku haboonayn dhoofin maadaama ay deegaanka xaalufinayso), Liin-dhanaanta, Sisinta, Salbukada iyo Lowska.

Taariikhdeenna dhaqaale markaad eegto waxaa kuu soo baxaya labo qalad oo aan mar kasta ka geli jirnay wax dhoofiskeenna, labadaas qalad oo kala ahaa annaga oo isku hallayna suuqyo kooban oo aan wax u dhoofinno (Sida xoolaha oo Sacuudiga loo dhoofiyo) iyo annaga oo dhoofinna alaab qeyriin oo aan la warshdayn.

Labadan arimood midka koobaad waxa uu halis ku yahay wax dhoofiskeenna waayo haddii khilaaf siyaasaded kula dhex maro dalkii keli ahaa ee aad alaabta u dhoofin jirtay, waxaa dhici karta in burbur ku yimaado dakhligii kaa soo geli jiray qaybtaas (Bal u fiirso sida Sacuudigu saamaynta ba’an ugu leeyahay dhoofiska xoolaheenna).

Arinka labaad ee warshdayn la’aanta walxaha qeyriin ee aan dhoofinno waxa uu innagu hayaa khasaaro ama fuuqbax dhaqaale waayo waxaan dhoofinnaa xoolaha oo kale iyaga oo is watta halka haddii xoolaha lagu qalo gudaha dalka aan si gooni gooni ah u manaafacaadsan karno waxyaalo badan oo neefka xoolaha ah la socda sida: ciddiyaha, dhiigga, dhogorta, calooleyda, Uuska, Lafaha, maskaxda IWM kuwaas oo mid waliba leedahay qiimo dhaqaale oo gooni ah.

Haddaba, si loo xoojiyo wax dhoofinta dalka loona yareeyo soo dejinta, waxaa habboon in tallaabooyinkan la qaado:

Dawladda iyo Maamullada kale ee jira:

  1. Joojinta canhsuurta laga qaado alaabaha la dhoofiyo: Dawladda Soomaaliyeed iyo maamullada kale waxaa la gudboon inay dhaqso u joojiyaan canshuurta ay ka qaadaan walxaha dalka laga dhoofiyo waayo canshuurtaasi waxay sare u qaadaysaa qiimaha alaabta la dhoofinayo deedna alaabtaasi lama tartami karto dhiggeeda ay soo dhoofiyaan dalalka kale. Tusaale u qaado sisinta. Aniga naftayda ayaa Turkey u dhoofin jiray sisin, lacag adagna dalka soo gelin jiray laakiin nasiib darro, sisinta Suudaan iyo Itoobiya ayaa Suuqii Turkiga innaga soo eryaday waayo tayo ahaanna waa la innaga fiicanyahay, qiimo ahaanna annaga ayaa qaalisan iyada oo sababta badeecadeennu qaaliga u tahay ay ka mid tahay canshuuraha dawladdu ka qaaddo sisinta la dhoofiyo.
  2. Raadi suuqyo: Dawladdu waa in ay suuqyo u raadisaa wax soo saarka dalka iyada oo adeegsanaysa wasaaradaha ay qusayso, rugta ganacsiga iyo safaaradaha dalku ku leeyahay daafaha adduunka. Tusaale u qaado Turkiga, waxaan ka soo dhoofsannna alaab tiro badan laakiin shirkadaha Turkiga ee dalkeenna ka shaqaystaa lacag caddaan ah (Cash) ayay ka dhoofsadaan garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho. Sabab? Sababtu waxay tahay in aan Turkigu waxba innaga iibsanayn hadda. Waan ogahay in ay doonayaan in ay wax innaga iibsadaan laakiin waxaan ka baqayaa in aan dawladdu si wanaagsan ajande dhaqaale ugu samayn sidii ay suuq ugu raadin lahayd wax soo saarka dalka. Tusaale kale u qaado xoolaha. Maxaa Sacuudiga innagu xiray? Maxaan isugu dayi weynay in aan xoolaheenna u dhoofsanno dalalka kale ee adduunka?
  3. Aqoon, agab iyo abuur u keen beeralayda iyo xoolo-dhaqatada: Dawladda iyo ciddii kale ee awoodda waxaa la gudboon in ay aqoon, agab iyo abuur u keento beeraleyda iyo xoolaleyda dalka. Dunidu horumar baaxad leh ayay ka samaysay hababka beerashada iyo xoolo-dhaqashada ku dhawaad 30-kii sano ee aan dhulka naallay. Xilligaas waxaa la gaaray in geedkii gallayda ahaa ee 7 sabuul dhali jiray uu ina siiyo 30 sabuul, in neefkii lo’da ahaa ee ina siin jiray 5 liitar oo caano ah uu hadda inoo soo saaro 40 liitar halka mallaaygii saacadaha badan aan badda ka baadi goobi jirnay hadda la gaaray in loo daaro codad (music ama foori) la ogaaday in uu jecelyahay si uu ugu soo aruuro shabaagta aynu badda ku daadsannay. Marka si aan ula jaanqaadno horumarkaas waxaa la inooga baahanyahay in aan aqoon, agab iyo abuur ka keensanno dunida si aan u casriyayno wax soo saarka xoolaha iyo beeraha. Hababka sidaas lagu samayn karo waxaa ka mid ah in aan ka faa’iideysanno xafiiska United Nations Office for South-South Cooperation (UNOSSC) oo shaqadiisu tahay in uu aqoonta u kala gudbiyo dawladaha ku yaal qaybta koonfureed ee adduunka, nasiib wanaagna Soomaaliyana ay qayb ka tahay. Habka ay u shaqeeyaan mashaariicda UNSSC waa in dal aqoon ku leh dhinac (Beeraha oo kale) uu aqoontiisa la wadaago dal kale oo dhinacaas kaga aqoon hooseeya sida Brazil oo aqoonteeda wax soo saarka sokorta uga faa’iideysay lana wadaagtay dalka Suudaan. Dalalka ina caawin kara waxaa ka mid ah India.
  4. Burburiya isbaarooyinka: Si aan naxariis lahayn waa in loola dagaallamaaa isbaarooyinka bilqan waddooyinka u dhexeeya magaalooyinka dalka. Maalin sii horraysay waxaan tagay beeraha Afgooye, waxaan ku arkay miraha loo yaqaan isbaandhayska oo geedaha hoostooda daadsan, waxaan weydiiyay qoladii beerta lahayd sababta ay mirahan ugu iib geyn waayeen Xamar oo ay joogaan labo milyan oo qof oo u baahan cabitaan laga sameeyay khudaartan, hase yeeshee odaygii beerta lahaa waxa uu ii sheegay in ay khasaaro galayaan haddii ay mirahan iib geeyaan waayo lacagta laga siisan doono iyo kharashka isbaarada ee ka galaya waxaa badan kan isbaarada sidaas darteedna waxaa ay door bideen in mirahaasi iska soo daataan ama shinbiruhu cunaan. Sow uma jeedid sida burcadda waddooyinka fadhisaa u wiiqayaan dhaqaaleheenna? Waa in aynu burcaddaas ka wareejinnaa meeshaas.
  5. La dagaal Musuqa caqabadda ku ah wax dhoofinta: In hadda la joojiyay ma ogi, hase yeeshee beri hore oo aan wax dhoofin jiray, waxaa nafta ii keenay wiilal wasaaradda ganacsiga jooga oo adiga oo xattaa shatti dhoofin haysta kaa hor istaagaya wax dhoofiska haddii aadan siin lacago aan sharci ahayn. Dhibka wiilashan waxaa tusaale u ah in ay ugu yaraan hal mar sabab u noqdeen in markabkii aan alaabta saaran lahaa iga tagay intii aan iyaga la xaajoonayay, ugu danbaystiina waxay ku dhamaatay in ay lacag aan sharci ahayn iga qaataan si ay iigu fasaxaan in aan wax dhoofiyo. Wiilashaas waa in dawladdu meesha ka wareejisaa si wax dhoofisku sahal u noqdo iyada oo taasi qayb weyn ka noqon doonto ololaha la dagaalanka musuqa ee hadda raysal-wasaaruhu ku dhawaaqay.
  6. Canshuurta ku badi walxaha la soo dejiyo ee aan dhiggooda soo saaranno: Dawladda iyo maamullada kale ee dalka oo iskaashanayaa waa in ay cashuurta ku badiyaan waxyaalaha la soo dejiyo ee la tartamaya badeecooyinka ka soo baxa dalka. Bal ka warran haddii caano-booro laguu soo qaso adiga oo jooga Cadaado, Ceel-buur, Buuhoodle, Dooxada Jubba ama Waajid oo ka mid ah meelaha ugu xoolo dhaqashada wanaagsan dalka? Si caanabooruhu u noqdo qaali la goyn kari waayo waa in maamullada jiraa canshuurta ku badiyaan caano booraha taas oo dadka ku riixi doonta cabista dhayda, suusaca iyo garoorka saafida ah ee ilaah innagu mannaystay.
  7. Ku biir suuqyada xorta ah ee gobalka: Dawladdu waa in ay ka shaqaysaa sidii dalkeennu xubin uga noqon lahaa suuqyada xorta ah ee gobalka (Regional markets). Raysal wasaaruhu waa ku mahadsanyahay in uu dhawaan saxiixay xubinnimada Soomaliya ee ururka ganacsiga bariga iyo koonfurta Afrika (COMESA) taas oo canshuur la’aan ama wax canshuur la’aan ku dhaw ka dhigaysa walxaha aan u dhoofinno dalalkaas (Burundi, the Comoros, the Democratic Republic of Congo, Djibouti, Egypt, Eritrea, Ethiopia, Kenya, Libya, Madagascar, Malawi, Mauritius, Rwanda, Sudan, Swaziland, Seychelles, Uganda, Zambia and Zimbabwe), waxaase loo baahanyahay in la dardar geliyo sidii aan uga faa’iidaysan lahayn xubinnimadaas. Sidoo kale waxaan u baahanahay in aan xubin ka noqonno suuq-goboleedyo kale si badeecadaha aan dhoofinnaa si sahlan ugu galaan suuqyadaas.
  8. Ma joojin karnaa soo dejinta Qaadka? Ma hubo in aan joojin karno hadda soo dejinta qaadka labo sababood awgood: Midda koowaad waa in aan maamullada jiraa koontoroolin dhamaan xuduudaha dalka, midda labaadna waxay tahay in qayb badan oo ka mid ah dadkeennu ay si ba’an ugu qalbi-xirmeen daroogada qaadka illaa heer ay qaarkood gaareen in ay ku doodaan in dhibaato caafimaad qabsanayso haddii aanay qaad cunin sida kaadida oo ku dhegta. Hase yeeshee, qaadka oo ka mid ah walxaha ugu badan ee Soomaalidu dibadda ka keensato ayaa ugu yaraan canshuur badan lagu soo rogi karaa si loo yareeyo tirada dadka goyn kara ama iibsan kara deedna waxaa taasi hoos u dhigaysaa tirada qaadka la inoo soo dhoofiyo.
  9. Canshuurta ka dhaaf Shidaalka: Shidaalka ama guud ahaan tamartu waa mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee kaabayaasha dhaqaalaha ee dal leeyahay. Haddii shidaalka qiimihiisu kaco, waxaa kacaya wax kasta sida warshadaynta, tacabka beeraha, daabulka badeecooyinka IWM waayo dhamaan qaybahani waxay si toos ah ugu tiirsanyihiin shidaalka. Sidaas darteed, si wax soo saarkeennu raqiis u noqdo ulana tartamo ascaarta adduunka, waxaan u baahanahay in aan helno shidaal raqiis ah. Si aan shidaal raqiis ah u helno waxaan u baahanahay in aan canshuurta ka deyno shidaalka la keeno dalka. Sidoo kale maamullada jiraa waa in ay canshuurta ka daayaan gaaska cuntada lagu karsado ee lasoo dejiyo si uu ula tartami karo isla markaana meesha uga saari karo dhuxusha oo dhibaato ba’an oo deegaan ku haysa dalka.
  10. Daabicidda Shilin Soomaali: Dhaqaalaha dalkeenna ee doolarka ku salaysan waa mid ka mid ah caqabadaha waaweyn ee hortaagan wax dhoofinta waayo marka aad doolar ku bixiso mushaarka shaqaalaha beertaada, shidaalka lagu waraabiyo beerta, Fretlizers-ka iyo abuurka, waxaa qaali noqonaya badeecada kuu soo baxayso oo ay dusha ka saarantahay sicir-barar la iska yaqaan oo ay wadatto lacagta doollarka ah oo uu leeyahay dal aad inooga dhaqaale badan. Si qiimaha wax soo saarku u noqdo mid macquul ah, waxaan u baahanahay in aan samaysanno shilin ama lacag dalkeennu yeesho.

Bankiyada iyo hay’adaha Maaliyadeed ee dalka:

Hay’adaha maaliyadda ee dalka waxaa la gudboon in ay maalgelin shuruudo iyo faa’iido yasiran leh siiyaan mashaariicda wax soo saarka ee xoojinaya wax dhoofinta dalka sida beeraha, xabagta, kalluumaysiga, xoolaha iyo macdanta, waayo ka sokow waxtarka arinkaasi u leeyahay dalka, waxaa arinkani yaraynayaa lacagta adag ee dalka ka aadaysa bannaanka taas oo keenaysa in uu sare u kaco heerka dhigaalka lacagaha (Deposit) ee dadweynuhu dhigtaan bankiyada taas oo sare u qaadaysa kobaca bankiyada.

Dadweynaha:

Si aan u xoojinno dhoofinta una yarayno soo dejinta, aan qaadanno tallaabooyinka soo socda:

  1. Aynu cunno walxaha ka soo baxa dalkeenna sida caanaha xoolaha halkii caano booraha, Soorta & muufada halkii bariiska, yaanyada dalka halkii aan cuni lahayn yaanyo shii-shiid laga keenay China. Haddii aynu sidaas yeelno waxaan ka qayb qaadanaynaa dib u kabashada dhaqaale ee dalka iyo abuurista shaqooyin badan oo gudaha dalka ka samaysma.

Cabdirasaaq Maxamed Axmed

guutaale114@hotmail.com

Post Views: 566

Share this:

  • Click to share on Twitter (Opens in new window)
  • Click to share on Facebook (Opens in new window)
  • Click to share on Google+ (Opens in new window)

Like this:

Like Loading...

Related

Tags: Bohosha sii weynaanaysa ee u dhaxaysa wax soo dejinta iyo Dhoofinta Somaaliya
Previous Post

Beeralayda Balcad oo ka cabsi qaba in wabiga Shabeelle soo fataho

Next Post

Toban qof oo lala xiriirinayo Al shabaab oo Baardheere lagu qabtay

Next Post
Toban qof oo lala xiriirinayo Al shabaab oo Baardheere lagu qabtay

Toban qof oo lala xiriirinayo Al shabaab oo Baardheere lagu qabtay

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WARARKII U DANBEEYAY

Shirka qaran ee dhab-u-heshiisiinta oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirka qaran ee dhab-u-heshiisiinta oo maanta ka furmay Muqdisho

February 19, 2019
RW ku xigeenka Soomaaliya oo Sucuudiga kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi

RW ku xigeenka Soomaaliya oo Sucuudiga kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi

February 19, 2019
Shirkadda Spectrum oo beenisay eedda Kenya ee ku saabsan khilaafka badda ee Soomaaliya

Shirkadda Spectrum oo beenisay eedda Kenya ee ku saabsan khilaafka badda ee Soomaaliya

February 19, 2019

HALBEEG TWEETS

UGU AKHRIS BADAN

  • Kenya oo lala wadaagay digniino ku aaddan weerarkii hotel Dusit ee Nairobi

    Kenya oo lala wadaagay digniino ku aaddan weerarkii hotel Dusit ee Nairobi

    1 shares
    Share 1 Tweet 0
  • Ilhan Cumar oo raali gelin ka bixisay hadal ay ku soo qortay barteeda Twitter-ka

    2 shares
    Share 2 Tweet 0
  • Madaxweyne Farmaajo oo Garoowe lagu soo dhaweeyay

    2 shares
    Share 2 Tweet 0

Halbeeg News

Halbeeg News

Halbeeg Waa Isha Warar La Hubo oo Ka Yimaada Geeska Afrika Iyo Caalamka.

Follow us

Wararkii U Danbeeyay

Shirka qaran ee dhab-u-heshiisiinta oo maanta ka furmay Muqdisho

Shirka qaran ee dhab-u-heshiisiinta oo maanta ka furmay Muqdisho

February 19, 2019
RW ku xigeenka Soomaaliya oo Sucuudiga kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi

RW ku xigeenka Soomaaliya oo Sucuudiga kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi

February 19, 2019

Qeybaha

  • Caafimaad
  • Caalamka
  • Ciyaaraha
  • Madadaalo
  • Muuqaalo
  • Qormooyin
  • Soomaaliya
  • Tiknolojiyad
  • War Degdeg
  • Xulka
  • Nala Soo Xariir

© 2019 Halbeeg News

  • SOOMAALI
  • ENGLISH
No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Soomaaliya
  • Caalamka
  • Ciyaaro
  • Caafimaad
  • Madadaalo
  • Muuqaallo
  • Tiknolojiyad

© 2019 Halbeeg News

%d bloggers like this: