Hawasa (Halbeeg)- Xisbiga talada haya ee dalka Itoobiya ee lagu magacaabo Jabhadda Dimuqraadiga dadka Itoobiya oo loo soo gaabiyo EPRDF ayaa manta shirweynihii 11-aad ee xisbiga kusoo gabagabeeyay magaalada Hawasa ee caasimadda Ismaamulka Shucuubta Koonfureed.
Shirweynaha ayaa mar kale dib loogu doortay Guddoomiyaha Xisbiga, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed waxaa sidoo kale Ra’iisul wasaare ku xigeen Demeke Mekonnen mar kale dib loogu doortay in uu noqdo guddoomiye ku xigeenka xisbiga.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ka helay 176 cod guud ahaan xubnaha xisbiga ee shirweynaha soo xaadiray oo gaarayay 177 xubnood dhanka Demeke Mekonnen ayaa helayy 149 cod.
Xisbiga EPRDF ayaa guddoomiye u doortay Abiy Axmed kadib markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee xisbiga Xaylamaryam Desalin.
Abiy Axmed ayaa sii ahaan doona guddoomiyaha xisbiga EPRDF tan iyo shirweynaha xiga ee xisbiga.