MUQDISHO(HALBEEG)- Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa lagu joojiyay soo dejinta Mootooyinka Bajaajta dekadda magaalada Muqdisho.
Wareegtadan ayaa gebi ahaanba lagu joojiyay in mooto Bajaaj Cusub la soo geliyo magaalada Muqdisho iyadoo loo sababeeyay in ay bateen cabahasooyinka dadka iyo Hay’adaha amniga ay ka keeneen Wadayaasha Mootooyinka Bajaajta iyo in mashquul(saxmad) ku hayaan Wadooyinka Magalada Muqdisho taasina ay keentay ciriiri farabadan.
Wareegtada lagu mamnuucay in Mootooyinka Bajaajta laga soo dejiyo Dekada Muqdisho ayaa ku soo aadeysa xilli Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Muqdisho ay ku hayaan Ciriiri farbadan,isla markaana dadka ay cabasho ka muujiyeen.
Marka laga soo tago dhibaatooyinka ay bulshadu ku qabaan wadayaasha mooto bajaajta iyo tiradeeda aadka u badan oo sababtay saxmad iyo ciriiri dhanka wadooyinka ah, dhalinyaro fara badan ayaa ka helay shaqa abuur.
Dad badan ayaa aaminsan in mooto bajaajka ay baajisay dhalinyaro badan oo isu diyaarinayay in ay tahriibaan shaqa la’aan awgeed, balse markii la keenay Moota bajaajta ay ka baaqdeen tahriibka noloshoodana ku dabareen dakhliga kasoo xaroooda shaqada mootada.