ADDIS ABABA(HALBEEG)-Waxaa maanta magaalada Addis Ababa ka furmaya shir madaxeedka sanadlaha ahaa ee madaxda Qaaradda Afrika.
Madaxda dalalka Afrika ayaa illaa iyo shalay kusii qulqulay Addis Ababa, kuwaasoo halkaa u gaaray ka qaybgalka shirka.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiye Axmed ayaa xalay madaxda u sameeyay casho sharaf gogol xaar u ah shirka maanta furmaya.
Soomaaliya oo ka mid ah dalalka ka qeybgalaya shirka, ayaa waxaa ku matalaya madaxweyne, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in soo jeedinta uu ku leeyahay shirka uu kaga hadlo arrimaha dhaqaalaha iyo qaxootiga oo ah qodobbada ugu waaweyn ee lagu lafa gurayo shirka.
Inta uu socdo shirka Addis Ababa, Farmaajo ayaa kulamo doceedyo la yeelan doona hoggaamiyayaal kala duwan oo Afrikaan ah kuwaasoo ay ka wada hadli doonaan xiriirrada diblomaasiyadeed iyo danaha wadajirka ah, sida uu yahay qorshuhu.
Shir madaxeedka sanadkan ayaa lagu lafa gurayaa arrimo ay ka mid yihiin xaaladda qaxootiga, nabadgalyada qaaradda iyo horumarinta heshiisyada iskaashi ee ay qaaraddu la leedahay dunida inteeda kale.