ADDIS ABABA(HALBEEG)-Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo magaalada Addis Ababa u tagay ka qaybgalka shir madaxeedka Afrika, ayaa halkaasi markale kula kulmay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.
Kulankan oo maanta oo Talaado ah dhacay ayay labada hogaamiye uga wadahadleen siyaabaha lagu xoojin karo nabadda gobolka geeska iyo sida lagu hirgelin karo isdhex-gal dhaqaale oo dhex mara wadamada gobolka. Wadahadalladooda ayaa sii anba qaad u ah wadaxaajoodkii iskaashiga iyo isdhexgalka gobolka ee ay labada dal dal hore bilaabeen.
Sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay Twitter-ka ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay taageerada dhanka ammaanka ah ee ay dowladda Itoobiya u fidiso Soomaaliya. Qoraalka ayaa lagu sheegay in labada hogaamiye ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal.
Madaxda labada dal ayaa isku afgartay in ay si wadajir uga wada shaqeeyaan horumarinta arrimaha ka dhexeeya labada dal.
Itoobiya wax ay kamid aheyd waddamadii ugu danbeeyay ee ciidamadooda ku soo biiriyay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Boqolkii askari ee ugu horeeyay oo labisan ayaa Soomaaliya loo soo diray markii ugu horeysay sanadkii 2014-kii iyadoo guutooyinka kalena ay ka danbeeyeen xiligaasi.
In ka badan 4,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ku labisan yunifoomka AMISOM ayaa haatan ku sugan Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare Abiy iyo madaxweyne Farmaajo ayaa bilihii u dambeeyay yeeshay kulamo dhowr ah oo ku saabsan iskaashiga labada dal iyo isdhexgalka gobolka Geeska Afrika.