Dardartii iyo isgaashaanbuureysigii ay ku bilaabaty madasha la baxday Xisbiyada Qaran, ayaa si degdeg ah bannaanka u soo dhigtay nooca isbeddel ee ay doonayaan siyaasiyiin mucaarad ah oo ay horboodayaan murashixiin caan ah oo la filayay iney si weyn uga dhex muuqdaan loolanka adag ee doorashada 2020/2021, kuwaasoo xilli horaba si lama filaan ah ugu muuqday tartamayaal iyagu sabab u noqon doona guul darradooda ama isbeddel ku imaan kara hankooda.
Dad badan ayaa u riyaaqay go’aankii uu qaatay madaxweynihii hore ee dowladdii ku meel gaarka ahayd, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ee xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran uu 10-kii Oktoobar ku shaaciyay in ay maxkamada la tiigsanayaan laanta fulinta ee xukuumadda federaalka ah oo ay ku eedeeyeen inay ku xadgudubtay xuquuqda aasaasiga ah ee hoggaamiyaha xisbigooda iyo wafdiga la socday, ka dib markii sida ay ku eedeeyeen xukuumadda laga xayiray safar ay Kismaayo ku tagi lahaayeen, dabayaaqadii Sibteember, taasoo ka dhan ah xaqa dhaqdhaqaaqa iyo socdaalka ee dastuurku siinayo muwaadiniinta sida ay ku doodeen. Arrintaas ayaa loo arkay tillaabo loo qaaday u hoggaansanaanta nidaamka dowladnimo iyo sarreynta sharciga.
Hasayeeshee, waxaa aad looga anfariiray hadlakii uu Sheekh Shariif oo kal dhawayd loo doortay hoggaamiyaha ‘Madasha Xisbiyada Qaran’ uu bil uun ka dib markii xisbigiisu uu dacwadda gudbiyay kaga dhawaaqay Muqdisho, taasoo ahayd baaq dagaal iyo dhaar uu ku maray iney [Muqdisho] ka saarayaanxukuumada. Sheekh Shariif ayaa sheegay in Muqdisho laga saaray xoogag fara badan, oo ay ka mid yihiin mooryaan, ciidamada Itoobiya, iyo al-Shabaab, [xukuumadda Farmaajana] aaney kuwaas ka xoog badneyn “Wallaahi suma wallaahi, haddii ay joojin diidaan [..] waan saareynaa.”Waxaa kale uu shariifkuxukuumadda hadda jirta la barbar dhigay tuugo ay tahay in la raacdeysto.
Hadalka Shariifka waxaa ka sii horreeyay oo maalma ka hor hadalkiisa iyana aad loo dhaleeceeyay hadal kale oo isna colaad hurin ah, kaasoo ka soo yeeray hooggaamiyaha xisbiga Ileys, oo isla markaana ah mudane ka tirsan golaha shacabka horana ugu soo tartamay xilka madaxtinimada heer federaal, Cabdulqaadir Cosoble. Cosoble ayaa sheegay in dadka reer Muqdisho ay 2007 u qaxeen Ceelasha-biyaha, si ay Muqdisho uga xoreeyaan Itoobiyaanka ay markale diyaar u yihiin arrinkaas “Waxaan madaxweynaha iyo tiimkiisa u sheegeyna in ay Ceelasha-biyaha ay weli bannaantahay.” Hadalka Cosoble ayaa u muuqday farriin colaadeed oo ku boorrineysa dadka Muqdisho iney Ceelasha-biyaha markale u qaxaan deetana xukuumaddaay Muqdisho ka saaraan, sidii lagu sameeyay ciidamada Itoobiya markii ay qabsadeen Caasimadda.
Hadaladaan oo lagu tilmaamay luqaddii ugu adkayd oo waayahaan la maqlo, gaar ahaanna aan horay iyagoo kale looga maqal madaxweyne hore, ayaa abuuray caro ballaaran iyo niyad jab laga qaaday aragtida mucaaradka ee isbeddel doonka ah, gaar ahaan hanka madaxweyne Shariif uu markale doonayo inuu dalka ku hoggaamiyo.
Sheekh Shariif iyo Cosoble ayaa labadooduba hadalladaan ka jeediyay madal ay isugu yimaadeen xisbiyada isbaheysiga sameystay ee ‘Madasha Xisbiyada Qaran’. Majirin wax hadal ah oo ka soo baxay xisbiyada kale ama xubnaha ku bahoobay madasha, taasoo ay isaga fogeynayaan hadallada xanafta leh ee ay carrabka ku adkeeyeen hoggaamiyaasha Ileys iyo Himilo Qaran, gaar ahaan hadalka Shiikh Shariif maadaama uu yahay guddoomiyaha madasha oo ku hadlay afkooda, waxaase taa beddelkeeda ay xubnha qaar, sida xoghayaa-guud ee Midowga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda (UPD), Axmed Macallim Fiqi ay bogaadiyeen hadalka shariifka.
Sheekh Shariif oo dabin ku dhacay
Madaxweyne Shariif ayaa looga bartay dhaqan degganaasho ah iyo inuu fursad siiyo madaxda dalka hoggaamineysa afartii sano ee xigtay markii kursiga looga adkaaday iyo saddexdii sano ee ugu horreysay xukunka madaxweyne Farmaajo, isagoo isumuujin jiray madaxweyne hore oo nabad doon ah isla markaana ka shaqeynaya isu soo dhaweynta xukuumadda iyo mucaaradka ama xukuumadda iyo maamul goboleedyada.
Hayeeshee, Shariifka ayaa saaxiibadiisa mucaaradka ah ka helay talo aan wanaagsaneyn, kadib markii uu caqabad kala kulmay safarkii uu ku tagi lahaa Baladwayne. Sheekh Shariif ayaa si cara leh uga falceliyay safarkiisa, taasoo hoosta ka xariiqday dulqaadka uu madaxweynihii hore u leeyahay dhibaatooyinka sida gaarka ah isaga u soo gaara. Dhacdada uu Shariifku la kulmay ee ka dhanka ah safarkiisu ma ahayn dabcan khaladkii ugu horreeyay ee xukuumadda ka dhaca, iyadoo aan Shariifku marnaba dhaliil iska daaye aanuu si cad xukuumadda tala uga siin wax ka qabasho cabasha shacabka ka timid ama ku dhacday siyaasiyiin kale.
Ilo xog-ogaala ayaa laga soo xigtay in Sheekh Shariif oo hadalladiisii carada lahaa ka hor u muuqday musharrax culus oo ku guuleysan karay doorashada soosocota, ay siyaasiyiinta kale ee mucaaradka qaarkood ay u arkeen carada Shariifka fursad ay ku soo yareyn karaan mucaaradka saameynta leh ee madaxtinimo doonka ah, markaas oo ay go’aansadeen in Shariifka lagu dhextuuro dabka holcaya ee mucaaradka hortii seefaha la baxay iyo xukuumadda u dhexeeya.
Sheekh Sariif oo laga yaabo in isagu fursad u arkay hoggaaminta madashan oo ugu yaraan ah xil siyaasadeed oo muddo jiraya, ayaa gaaray go’aan aad u dhaawacay oo ah inuu qabto hoggaanka madasha waqtigaan xasaasiga ah, waxaase sidii horay loo qorsheeyay durba lagu jiiday ficillo uu la tacaalkooda ku lumiyay taageero ay dad badani u hayeen, ilaa heer uu boorriyo dagaal sokeeye.
Sharrif Sheekh Axmed ayaa haddaba waxaa la gudboon inuu goor hore baraarugo oo uu ogaado in hoggaaminta noocaan ah ee madashu ay dileyso rajada uu ka qabi lahaa madaxtinimada dalka, isla markaana uu isaga tago xilkaan durba fadeexooyinka faraha la galay iyo inuu bulshada uga cudurdaarto hadalladii colaad abuurka ahaa ee uu adeegsaday, inkastoo ay adkaan doonto inuu ka soo kabsado halka fog ee hadalkiisu gaarsiiyay.
Hoggaamiyeyaasha Madasha oo xilli hore is middi raaciyay
Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada waaweyn ee Himilo Qaran, UPD iyo Ileys oo ka hor inta aaney madashan sameyn ka mid ahaa dadka la hadal hayo ee lahaan karay fursad doorashada soo soctota ee 2020/2021, ayaa hadda u muuqda iney iskood isu uurdooxeen, iyadoo weli sanad ka badan ay ka hartay doorashada.
Madasaha ayaa bayaannadooda ku sheegay iney doonayaan in dalka doorasho nadiif ihi ka dhacdo, balse waxa ugu weyn ee carqaladeyn kara doorashada ayaa ah nabadgelyo la’aan, gaar ahaan isku dhac ku saleysan qabiil oo in muddo ah aad looga digtoonaa, haddase ay balagga u luleen hoggaamiyeyaasha madasha la baxday Xisbiyada Qaran. Marka la eego hadalheynta dadweynaha, hoggaamiyeyaashan ayaa aad hoos ugu dhigay sumcaddooda iyo halkii laga filayay.
Haddaba marka la dhuuxo hadalladda colaad hurinta ah ee ay adeegsadeen Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdulqaadir Cosoble oo ay sidoo kalana ayideen saaxibadooda UPD, waxaa taasi ay abuurtay ra’yi caam cusub oo ah in hoggaamiyeyaasha madashu ay farsamo ahaan iyagoo aan ku tala gelin masraxa tartanka u banneeyeen madaxweynaha xilka haya iyo siyaasiyiinta kale ee mucaaradka ah kuwaasoo ku guuleystay iney tartiib ugu dhex tilaabsadaan waqtiga adag iyo loollanka loogu jiro kursiga madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo isagu mucaaradnimada ka dhanka ah dowladda Farmaajo uga horreeyay Sheekh Shariif ayaa ku guulestay inuu xaddido hadalladiisa, waana siyaasiga la aaminsanyahay inuu shariifka ku hoday xilkaan aan ahayn kii dhabta ahaa oo labadoodu ku loolami lahaayeen; hayeeshee hadalka Sheekh Shariif ayaa noqday mid u wada dhahdan madasha, maadaama Xasan uu qosol iyo sacab ku taageeray marka shariifku hadlayay, isla markaana dadka dhaleeceeyay aaney si gaar ah ukala reebin madaxda madasha.
Xassan Sheekh waa madaxweynihii ugu dambeeyay ee xilka ka daga waxaana loo arkaa siyaasi uu weli sii muuqdo raadka khaladaadkii ka dhacay muddadii uu xilka hayay, iyadoo waxkasta oo uu ku eedeyn lahaa xukuumadda hadda jirta ay isna intoo kale ama ka badani ay u taallo.
Cosoble ayaa inkastoo aanuu ku jirin dadka aadka loo hadal hayay doorashada soo socota, waxa haddana uu meesha ka saaray haddii uu hadda ka dib abuuri lahaa fursad uu ku soo bix karo.
Dadka Soomaaliyeed oo muddo dheer colaadi ragaadisay ayaa ka daalay hadallada dagaal oogista ah iyo erayada colaadda, waana sababta aanay madashu u helin dad durbaanka u tuma, oo ku barbar istaaga hadalladooda.
Madasha Xisbiyada Qaran mise Madal Qabiil
Isbaheysigan cusub ee la baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lix qodob oo ay dhawaan soo saareen waxaa ka mid ahaa ka shaqeynta siyaasad loo dhanyahay oo heer qaran ah, hayeeshee marka indha gorgor lagu eego dhismaha madasha, waa madal qabiil oo aan loo dhammeyn – taasi in aad loo sharraxo uma baahna oo waxaa laga arki karaa hogaamiyeyaasha waaweyn ee madasha oo hal qabiil hoose wada ah. Xasan Sheekh, Shariif Sheekh Axmed iyo Cabdulqaadir Cosoble oo kala hoggaamiya seddexda xisbiee ugu magaca weyn madasha, ayaa seddexduba ka soo jeeda Abgaal, Hawiye. Waxaa kale oo dooddooda ugu badani ay ahayd in reer Muqdisho xukuumaddu dhib gaar ah ku heyso, taasoo dhinaca kale leh dhadhan ah iney hal qabiil u hadlayaan, halkii ay la imaan lahaayeen ajanda qaran oo intaa ka mug weyn.
Haddaba madasha oo ay iska caddahay inaaney qabiil ahaan dheelli tirneyn ayaa u baahan iney marka hore isbeddelka wanaagsan ee ay dadka ugu baaqeen ay ka bilaabaan in madashu ay yeelato muuqaal qaran oo u qalma magaca ay qaadatay. Waxaa kale oo madasha la gudboon iney dib u eegto hadallada kicinta dadweynaha ah ama dhadhanka qabiilka leh, oo lahubo inaaney dadka reer Muqdisho mira gaar ah ka guraneyn, iskaba daaye ay ku dhibaatoon doonaan natiijada aan wanaagsaneyn ee hadallada hoggaamiyeyaasha mucaaradka.
Ugu dambeyn, dimuqraadiyadda curdanka ah ee dalku waxa ay u baahantahay siyaasisiyiin si qota dheer u qiimeeya xaaladda dalka isla markaana si deggen u odorosa mustaqbalka soo socda. Mucaarad aan qabiil ahaan u abaabulneyn ee dalka u keena isbeddel looga gudbo nidaamka awood-qeybsiga qabiilka ayaa baahi weyn loo qabaa, iyadoo madasha la baxday xisbiyada qaran ay heysatay fursad dahabi ah oo ay himilladaas ku hoggaamiyaan, ka hor inta aaney muuqaalkaan iyo hadallada colaadda bannaanka la imaan.
Si kastaba ha ahaatee fursadda weyn ee ay beerdareeyeen hoggamiyaasha Madasha Xisbiyada Qaran, ayaa ah jago bannaan oo loo baahanyahay in la helo mucaarad aragti fog oo buuxiya, taasoo ay markaa qasab noqoneyso in xukuumaddu ay dhageysato wadaxaajoodna kala gasho aayaha dalka.