(HALBEEG) – Galmudug ayaa toddobaadkii la soo dhaafay dooratay Madaxweynihii seddexaad oo hoggaanka u qabta maamulkaasi oo ka kooban Galgaduud iyo Mudug barkeed, kaas oo inkastoo dastuurku uu qeexayao in laba gobol iyo wixii ka badani ay sameynsan karaan maamul goboleed, haddana ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ku guuleysatay dhismaha dowlad goboleedkan oo dhidibbada loo taagay sanadkii 2015.
Galmudug ayaa ah maamulka ay dowladda dhexe ee federaalku gelisay waqtiga ugu badan marka la barbardhigo maamullada kale ee dalka, laga soo bilaabo curashadiisii oo ka dhashay isusoo jiidista dhinacyo isdiiddan oo ka kooban maamulladii kala ahaa Ximan iyo Xeeb oo saldhiggeedu ahaa Cadaado, Ahlusunna Wal Jamaaca (ASWJ) oo Dhuusamareeb xaruntoodu ahayd iyo Galmudugtii hore oo muumuli jirtay Koonfurta Gaalkacyo, hasa ahaatee, dadaalladii dowladda dhexe ay galisay deegaanka ayaan si la taaban karo uga muuqan deegaanka iyadoo ilaa hadda uu maamulka cusubi wajahayo xal u helista khilaafaad gudaha ah.
Dad badan ayaa haddaba isweydiinaya sababta ay Galmudug uga gudbi la’adahay dhibaatooyinka siyaasadeed, horumar la’aanta iyo khilaafaadka joogtada ah, tiiyoo maamulku uu heysto furasado qaali ah oo laga yaabo in maamulladda kale aaney isku wada heysan.
Galmudug ayaa heysata dhul ballaaran oo xor ka ah argagixisada, marka la barbardhigo inta badan maamullada kale ee xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, oo intooda badan ku shaqeeya caasimadda oo kaliya ama caasimadda iyo hal ama laba magaalo oo kale, halka Galmudug ay gacanta ku heyso dhul baaxad leh ama la dhihi karo dhulkeedu inta badan waa xor.
Maamulka ayaa sidoo kale xiriir xooggan la aleh caasimadda dalka ee Muqdisho, marka la eego laba arrimood oo muhiim ah oo kala ah, in ay Galmudug nasiib u yeelatay in inta badan hoggaanka sare ee dalka ay qabtaan dad ka soo jeeda deegaannada Galmudug, kuwaasoo si hoose ugu dhuun daloola wax ka qabashada dhibaatooyinka deegaanka. Qodobka labaad ayaa ah in deegaanka ay ka soo jeedaan ganacsato iyo aqoonyahan xooggan oo caasimadda ku sugan kuwaasoo maamulka ka taageeri kara, xagga koboca dhaqaalaha iyo hagaajinta iyo xasilinta siyaasadda. Si kasta ha ahaatee, dhammaan fursadaha aan ka hadalnay sinnaba ugama muuqadaan deegaannada Galmudug.
Siyaasiyiinta Galmudug
Siyaasiyiinta ka so jeeda Galmudug waxa ay in badan oo ka mid ihi ay mucaarad ku yihiin dowladda dhexe ee aan soo sheegnay juhdiga adaga ee ay ku bixisay dhismaha maamulkooda, iyagoo dowladda kula dirirsan waxyaaba aan inta badan xiriir lalaheyn wax u qabashada dadkooda iyo deegaanka ay ka soo jeedaan.
Tusaale ahaan, madaxweynaha cusub ee hadda Galmudug loo doortay mucaaradkiisa ugu weyn waxaa ka mid ah xildhibaanno iyo siyaasiyiinta maamulkiisa ku matala dowladda dhexe, halkii ay garab istaagi lahayeen oo maadaama ololihii doorashada la soo afjaray ay ahayd in ay barbar-istaagaan, oo ay gacan ka siiyaan sidii maamulku lugihiisa isugu taagi lalahaa.
Marka la barbardhigo siyaasiyiinta Galmudug ku matala dowladda dhexe ama ku wa mucaaradka ah, dhiggooda Puntland, ayaad si la taaban karo u fahmi kartaa dhibaatada heysata Galmudug iyo cidda ay ka dhaqaaqi la’adahay.
Shaki kuma jiro in siyaasiyiinta Puntland ay isugu jiraan, qaar mucaarad ku ah oo aan ku qanacsaneyn maamulka Garowe iyo qaar la dhacsan intabada, waxaadse ka arki kartaa horumarka ka jira Puntland sida ay siyaasiyiintu uga mideysanyihiin arrimaha masiiriga ah ee dadkooda, walow ay inta badan isu baheystaan dagaal loo arko sad bursi oo qeyb ahaan ka hor keenay Soomaalida inteeda kale.
Wadajir iyo Islaxisaabtan
Si looga faa’iideysto fursadaha curdanka ee markale hadda koryaalla reer Galmudug, waxaa lama huraan ah in la helo waxgarad isutaaga xaaladda maamulka, oo ka dhabeeya himilooyinka dadka reer Galmudug ee nabadda, caddaaladda iyo dib-u-dhiska.
Durbaba waxaa muuqda tilaabooyin muhiim ah oo ay qaadeen dadka daggan Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu taageerayo maamulka dhawaan la doortay ee uu hoggaamiyo madaxweyne, Ahmed Abdi Kaariye (Qoorqoor), sida odayaasha dhaqanka deegaankaas oo si cad u muujiyaya in ay ku garab taaganyihiin hoggamintiisa iyo ka miradhalinta masuuliyadda loo doortay, si kasta ha ahatee. Waxaa lama huraan ah in la qaado tilaabooyin intaa ka dheeri ah.
Galmudug ayaa ilaa hadda u muuqda maamul aan dadkiisu u muujin lahaansho, iyadoo dadkeedu ay u qeybsanyihiin qaar isaga tagay deegaanka oo Muqdisho saldhigtay iyo qaar deegaanka ay ku heystaan duruufo dhaqaale iyo khilaafaad maamulka ragaadiyay, waxaa labadaa ka soo hara siyaasiyiin deegaanka dib ugu laabta xilliayada ay xildoonka yihiin ee laakiin aan shaqa wanaagsan ka qaban sidii maamulkoodu cagihiisa isugu taagi lahaa.
Haddaba Galmudug ayaa u baahan, wax garad si dhab ah uga shaqeeya wadajirka iyo midnimada dadka gobolka, kuwaasoo dhanka kalana si muuqata ula xisaabtama siyaasiyiintooda ku matala dowladda dhexe ee federaalka ah.
Odayaasha dhaqanka oo iyagu soo xula xildhibaannada ayaa u baahan in ay dareemaan awooddooda iyo saameynta ay ku leeyihiin siyaasiyiintooda isla markaana ay tahay in ay kula xisaabtamaan waxqabadka ay dib ugu soo celiyeen halkii laga soo doortay. Odayaasha dhaqanka waxaa kale oo la gudboon in ay qaataan kaalin hoggaamineed oo ay isu soo dumayaan dadka isdiiddan isla markaana ay horseedaan dhaqdhaqaaq bulsho oo lagu hor istaaayo in deegaanka uu mar dame ku soo laabto khilaafkii maamulka cuuryaamiyay.
Xasiloonida siyaasadeed iyo khilaaf la’aantu waxa ay horseedi kartaa fulinta mashaariic iyo horumarin deegaaka laga sameeyo. Waa iska caddahay in aaney Galmudug oo ah maamulkaas khilaafku ragaadiyay aaney mar kale dani ugu jirin in ay dagaal aan loo baahneyn la gasho dowladda dhexe, sidaa darteed odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayey tahay in ay abaabulaan bulshadooda si loo xoojiyo wadajirka isla markaana loola xisaabtamo siyaasiyiinta waqtigooda oo dhan galiyay dagaal aaney wax dan ihi ugu jirin dadkooda.
Soo Afjarista Khilaafaad Jira
Inkastoo Galmudug hadda uu ka jiro maamul la qoonsanyahay oo heysta taageerada beesha caalamka iyo tan dowladda dhexe, haddana waxa weli jira mucaarad hubeysan oo ka soo horjeeda maamulka la doortay. Waxaa jira dad badan oo reer Galmudug ah oo weli u hanqal taagaya in dhibka weli ka jira deegaanka iyo khilaafka dhexdooda ah ay xalliyaan gacmo dibadda uga yimaada ama Soomaali kale.
Inta haddaba uu jiro fikirka ah in dhibaatada maxalliga ah ay xalliyaan qolya maamulka dibadda uga yimaada, taasi waxa ay weli astaan u tahay in Galmudug aaney diyaar u ahayn in ay ka gudubto dhibaatooyinka daashaday.
Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo madaxiisii xukuumadda, Sheekh Maxamed Shaakir oo ah hogaamiya ka tirsan ASWJ, ayaa labadooduba iskood u sheegtay in ay madaxweynayaal yihiin, kuwaas oo ku kala sugan Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo. Arrintaas ayaa calaamad ama astaan u ah heerka ay qodantahay dhibaatada Galmudug. Ka gudbidda khilaafkaas ayaa haddaba ah waajibka ugu weyn ee si wadajir ah ugu yaalla siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay hormuud u yihiin odayaasha dhaqanku.
Dadka reer Galmudug ayaa la joogaa waqtigii ay iska qaban lahaayeen dadka hortaagan mustqabalka carruurtooda iyo fursadaha hadda horyaalla maamulka curdanka ah ee ay dhiseen.
Madaxweynaha cusub ee Galmudug, mudane Qoorqoor ayaa looga fadhiyaa inuu horkaco dadaallada lagu baraarujinayo dadkiisa, si aan mar dambe loo dayicin fursadda hadda jirta oo looga fogaado in aaney Galmudug ku soo laaban dhibaatooyinkii horay u cuuryaamiyay.