MASERU (HALBEEG) – Maesaiah Thabane oo ah marwada u dhaxda ra’iisul wasaaraha dalka Lesotho oo ah dal dhaca Koofurta Afrika ayaa la soo taagay maxkamad iyada oo loo heysto in ay ka dambeysay dilka haweeney uu qabi jiray seygeeda ka hor inta aanu iyada guursanin taasoo lagu magacaabi jiray Lipolelo Thabane.
Thabane ayaa la sheegay in lagu toogtay gurigeeda hortiisa laba maalmood un ka hor inta aanu xafiiska la wareegin seygeeda Ra’iisal wasaare Thomas Thabane 2017-kii.
Ra’iisul wasaare Thabane iyo haweeneyda dilka geysatay ayaa la sheegay in ay isla aqalgaleen saddex bilood un kaddib dilka marwo Lipolelo.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ra’iisal wasaaraha iyo xaaska 1-ad oo ah tan la dilay uu u socday wada-hadal ku aaddan furriin kaas oo ay codsatay Lipolelo Thabane oo ah xaaska la dilay.
Arrintan ayuu daaha ka rogay sargaal ka tirsan ciidamada kaas oo ku dhiirraday in haweeneyda u dhaxda ra’iisu wasaaraha ay tahay eedeysanaha kowaad ee qaddiyada dilka marwadii hore.
Haweeneyda dambiga dilka ah loo heysto ayaa bishii hore baxsatay cabsi ay maxkamadaynta ka qabto awgeed wallow ugu dambayn la soo taagay maxkamadda.
Qaddiyaddan ayaa soo jiidatay indhaha dunida maadaama la tuhunsanyahay in dilkani ahaa mid si weyn loo qorsheeyay suuragalna ay tahay in meelo halis ah uu gaaro kuwaa oo ay ugu horreeyaan ra’iisul wasaaraha iyo xaaskiisa oo ay maxkamadeyni ku socoto.