Soomaaliya, oo muddo dheer burbur ku jirtay kaddib markii ay meesha ka baxday dowladdii awoodda badneyd ee uu hoggaaminyay, Maxamed Siyaad Barre, ayey hadda markale u soo bidhaameysaa fursad ay dib ugu soo laabaneyso saameyntii ay ku lahayd Afrika.
Hay’adaha dowladda ee aadka u dhisnaa ka hor burburkii dowladdii dhexe, 1991-kii waxaa ugu muhiimsanaa ciidamadii qalabka siday, oo loo arkayay in ay ka mid ahaayeen kuwa ugu tayada badan qaaradda madow.
Hayeeshee burburkii dowladda ayaa keenay in si buuxda ay u buburaan ciidamadii kala duwanaa ee dowladda, taasi waxa ay keentay in ka sokow faragelinta siyaasadeed ee dowladaha deriska ah ay sidoo ciidamadoodu ka soo tallaabaan soohdimaha marka ay doonaan dhaqankaas oo weli uu dalku dhibbane u yahay.
Hayeeshee, muddadaas dheer ee qaran jabka iyo dowlad la’aanta ah, dalku waxa uu hadda leeyahay rajo weyn oo ah inuu markale lugihiisa dib isugu taago, iyadoo hay’adaha dowladda oo weli daciif ah ay tartiib tartiib u soo laabanayaan, si ay u daboolaan adeegyada ay dadweynuhu dowladda uga baahanyihiin.
Dhismaha ciidamada ayaa dad badani ka muujinayeen niyad jab iyo in Soomaaliya ay markale ay ciidan ahaan isku fillaan karto, hasa ahaatee, riyadaas ayaa hadda u muuqata mid dib usoo noolaaneysa.
Soomaaliya, oo kaashaneysa dalalka saaxiibka la ah oo uu hormuudka u yahay Turkiga, ayaa sanooyinkii la soo dhaafay soo saartay ciidamo tababar wanaagsan leh oo aad uga duwan ciidamadii sida maleeshiyaadka u muuqday ee ku howlgalayay magaca dowladda, kuwaas dib usoo nooleeyay hanka Soomaalida ee dowladnimada.
Arrintan ayaa kaalinta ugu weyn waxaa ka qaatay dalka Turkiga oo Soomaaliya u soo gurmaday 2011-kii, si uu gargaar bani aadanimo uga geysto macluushii xilligaas dalka ku dhufatay, isagoo markaa kaddib bilaabay dib-u-dhis noocya badan oo ay ku jiraan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, sida dakadda iyo Garoonka Muqdisho ee caalamiga ah iyo waliba waddooyinka halbowlaha u ah caasimadda.
Turkiga ayaa xero ciidamada lagu tababaro ka hirgeliyay Muqdisho, markaas oo muddo yar gudahood la dareemay isbeddel la taaban karo oo ku yimid awoodda iyo muuqaalka ciidanka Soomaaliya, gaar ahaan booliska iyo milatariga sida gaarka ah u tababaran, tiiyoo ay dheertahay ciidamada qaar oo lagu soo tababaro gudaha Turkiga, sida ciidamada cirka iyo badda.
Dhexdhexaadnimada Turkiga iyo Dhaliisha Mucaaradka
Inkastoo dadka Soomaiyeed ay aad u soo jiiteen dadaalladda dowladda Turkigu ay la garab taagantahay Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada qalabka sida, ayaa haddana siyaasiyiinyta qaar waxa ay umuuqdaan in ay isaga khaldantay kaalinta taageero ee Turkiga iyo madaxda dowladda federaalka ah oo ay siyaasad ahaan mucaaradsanyihiin.
Waxa kale oo siyaasiyiinta qaar aanay ka fiirsan ciidamada oo ah hanti qaran, laakiin hadba hoos jooga hoggaanka dalka iyo siyaasiyiinta xukunka heysa.
Labadii todobaad ee la soo dhaafay waxaa dadka Soomaaliyeed dhagahoodu maqleen hadallo siyaasiyiin kala duwan ka soo yeeray oo ay ku dhalleeceynayaan ciidamada qalabka sida oo dabcan ay iyagu dhibsadeen hwolgallo ay fuliyeen, amaba ay u arkeen fursad ay ku canbaareyn karaan dhiggooda xilka haya.
Siyaasiyiintaas ayaa ugu baaqay dalka Turkiga inuu joojiyo tababarka ciidamada, iyagoo Turkiga la xiriiriyay inuu masuul ka yahay khaladaadka ka dhaca ciidanka oo ay ku eedeeyeen in loo adeegsaday shaqa aan ahayn tii loo igmaday.
Kaalinta Turkiga iyo dal kasta oo dal kale ciidan u tababara ma ahan in ay iyagu maamulaan oo ay jaheeyaan ciidamada ay tababareen, ee taa beddelkeeda ciidamadu howsha ay qabanayaan waxaa masuul ka ah dalka loo tababaray.
Turkiga ayaa loo arkaa dal dhexdhexaad ka ah siyaasadaha Soomaalida ee isdiiddan, isagoo la soo shaqeeyay ugu yaraan seddex madaxweyne oo mid walbana uu Turkiga ku garab siiyay hirgelinta howlaha dowladda, sidaa darteed ma jiro xiriir gaar ah oo ka dhexeeyay hoggaanka dalka iyo Turkiga, waxaana taas caddeyn u ah in shirkii mucaaradka ee ugu weynaa toddobaakii hore lagu soo gabageeyay Turkiga, taasoo muujineysa dhexdhexaadnimada Turkiga.
Sixidda Dhaliilaha Ciidamada
Siyaasi ku haminya in uu dalka berri hoggaamiyo inuu kasoo horjeesto dhismaha ciidankii uu marka uu xilka qabto uu qaranka ugu adeegi lahaa, ayaa si cad hoosta uga xarriiqday qeyb ka mid ah sababaha qaranku uu markii horaba u burburay.
Inkastoo dad badani ay u sababeynayaan burburkii dalka nimaamkii dowladda oo kali talis noqday, haddana waxaa jira dood  xooggan oo sheegeysa, in qolyihii xukunka ka tuuray dowladdii jirtay ay sabab u noqdeen in qaranku gabi ahaan burburo, kaddib markii ayku guuldarreysteen in ay kala saaraan hay’adaha dowladda iyo shakhsiyaadka talada hayay ee ay ka adkaadeen.
Jabhadihii dalka qabsaday ayaa lagu eedeeyaa in ay burburiyeen ciidamadii, hantida iyo hay’adihii dowladda oo idil, halkii ay garawsan lahaayeen in ciidamadu ay shalay siyaasiyiin ka amar qaadanayeen oo isla markaana ay diyaar u ahaayyeen in ay ka amar qaataan qolada xukunka qabsatay sida ka dhacday dalal badan oo Afrikaan ah oo ay Itoobiya ka mid tahay.
Haddaba dhaqan u eg midkii ay jabhaduhu ku baabi’iyeen dowladnimada ayaa ka muuqda siyaasiyiinta hadda dalbanaya in la joojiyo dhismaha ciidanka.
Waxaa aan shaki ku jirin in ciidmada ay dhaliilayaan siyaasiyiinta qaar ay si buuxda amarka uga qaadan lahaayeen haddii kuwa hadda dhalleeceynaya laftoodu ay awoodda la wareegaan, sidaa darteed ma jirto haddaba sabab ciidamada amarka qaadanaya la soo dhexgeliyo murannada siyaasadeed.
Si kasta oo ay ahaataba ciidamadu marnaba ma ahan ceeb ka saliim ee waana hubaal in ay khaladaad galayaan, haddii la amro iyo haddii ay gefaanba. Marka si loo saxo dhaliilahooda waxaa habboon in wixii eed ah loo jeediyo madaxda dowladda lagulana xisaabtamo, ee marnaba sax ma ahayn in ciidamada laga yaabo in aaney xitaa mararka qaar ka sii warheyn halka howlgal loogu wado lagu eedeeyo go’aamo ay gaareen siyaasiyiinta iyaga xukuma oo ay tahay iney ka amarqaataan.
Tani ayaa sidoo kale iftiimineysa baahida weyn ay weli Soomaalidu u qabto fahanka dowladnimada si looga baaqsado in dalku uu markale burburo.
Ciidamada iyo siyaasadda
Ciidamadu waa qeybta ugu muhiimsan ee ilaalinta qarannimada iyo madax bannaanida dalka, sidaa darteed waa hay’ad ay lama huraan ay tahay in dhammaan dhinacyada siyaasaddu ay si isku mid ah u ixtiraamaan, taa beddelkeeda ma habboona in ciidamadu ay ku lug yeeshaan eedeymo la xiriira siyaasad oo ka baxsan xirfaddooda shaqo ee lagu yaqaanno.
Waxaase mar walba muhiim ah in siyaasiyiinta mucaaradka ihi ay fahansanaadaan in madaxweynuhu yahay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida oo sidoo kalana ay jiraan wasaarado ay hoos tagaan oo ay la shaqeeyaan, marka haddii ay dareemaan in ciidamada si aan wanaagsaneyn loo adeegsanayo waxaa haboon in ay dhaliishooda u weeciyaan madaxda siyaasadda ee ay tuhunsanyihiin in ay howlgallada u direen balse aysan u olooleynin hor istaagidda dhismaha ciidanka oo ah dan qaran oo guud.
Waxaa iyadana aad muhiim u ah ciidama laftoodu ay mar walba ku baraarugsanaadaan arrimaha xasaasiga ah ee siyaasadda, oo ay mar walba ka feejignaadaan in ay ku milmaan arrimo siyaasadeed, ama hadallo iyo dhaqamo muujin kara in aaney dhexdhexaad ahyn.