MUQDISHO (HALBEEG) – Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya ayaa xaqiijisay kiisas cusub oo COVID-19 ah saacadihii ugu dambeeyay.
Wasaaradda ayaa sheegtay in la helay 46 kiis, waxaana lab ah 33, halka 13 kale ay yihiin dheddig, sidoo kale 41 xaaladood oo kamid ah kiisaskan cusub waxaa laga helay gobolka Banaadir, iyadoo 5 kiisna laga helay Buntilaan.
Tirada guud ee dadka laga helay waa 436, dhimashada soo korortay waa 5 ruux oo ka dhigan in dhimashadu ay noqoneyso 23 dalka oo dhan inta ay wasaaraddu xaqiijisay.
Wasaaradda ayaa xustay in dadka ka bogsooday cudurka ay yihiin 10 ruux.