HALBEEG – Galmudug oo loo arakayay mid kamid ah meelaha ugu xasilloonida yar marka laga eego isbeddellada siyaasadeed, ayaa hadda u muuqata in ay qaadday wadda cusub oo aan looga baran.
Waxyaabaha ugu badan ee Galmudug lagu bartay laga soo bilaabo markii la aasaasay, 2015-kii, ayaa ahaa isqabqabsi iyo dagaal siyaasadeed oo u dhexeeya siyaasiyiintii hoggaanka u qabtay maamulkan oo ku yaalla xuddunta Soomaaliya, halkaasoo dad badani ay ku tilmaamaan in ay asal u tahay xasilloonida dalka oo idil.
Dhismaha maamulka Galmudug, ayaa inta uusan dhalanba la jaanqaaday khilaaf siyaasadeed iyo dagaallo hubeysan, iyadoo markii la doortay madaxdii ugu horreysay ay u caalwaayeen in ay caasimadda ku shaqeeyaan, halkaasoo ay gacanta ku hayeen wadaddadii Ahlu Sunna Wal Jamaaca (ASWJ), oo markii dambe caasimadda maamulka ee Dhuusamareeb uga dhawaaqay maamul ay iskood u sameysteen.
Inkastoo hoggaamiyhii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku guulestay inuu ASWJ la heshiiyo oo uu maamulka u soo raro xaruntiisa rasmiga ah, haddana khilaaf cusub oo ka dhashay heshiiska ASWJ, ayaa ka dhex qarxay isla hoggaankii Galmudug ee Cadaado fadhiyay – oo ahayd saldhigga KMG ah ee maamulka, tiiyoo keentay in maamulkii uu marlabaad u kala jabo Cadaado iyo Dhuusamareeb.
Dhismaha Galmudugta cusub
Ka dib khilaafka u dhexeeya masuuliyiinta Galmuudg oo noqday mid la xakameyn waayay, uuna u muuqday maamulku mid ku guul darreysanaya inuu qabsado doorashooyin loo dhanyahay oo xasilloon, maadaama waqtiga madaxda Galmudug uu ku ekaa bishii Agoosto 2019, ayey dowladda federaalka ihi qaadatay kaalin hoggaamineed oo inkastoo mucaaradkeedu ay aad u dhaliileen haddana soo dhaweyn xooggan kala kulantay dad badan oo reer Galmudug ah.
Raysul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyrre, ayaa bishii Juune ee sanadkii hore Safar 6 asbuuc qaatay ku tagay Galmudug, “si loo soo afjaro khilaafka ragaadiyay maamulka, loona dhiso Galmudug mid ah oo loo dhanyahay,” sida uu ballanqaaday Kheyrre.
Dowladda ayaa dib u heshiisiin u furtay beelaha Galmudug, iyadoo dhinaca kalana la soo afjaray colaado meelaha qaar muddo ka jiray. Waxaa sidoo kale la qarameeyay maliishiyadii ASWJ oo muddo deegaanna Galmudug ka mid ah gacanta ku hayay, halka sidoo kalana heshiis siyaasadeed lala galay kooxda, inkastoo ay markii dambe iska diideen heshiiskii dowladda ayna ciidanka dowladda ee gobolka ku sugan ay la galeen dagaal meesha looga saaray saameyntii xoogganeed ee ASWJ.
Dadaalladii ay xukuumadda federaalka ahi horumuudka ka ahayd ayaa waxaa ka dhashay in deegaanka laga hirgaliyo doorasho ay mucaaradka dowladdu aad u dhaliileen oo dhashay baarlamaan, hoggaamiyaha maamulka iyo ku xigeenkiisa.
Hoggaamiyaha la doortay, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa durba inta aanuu soo dhisin golihiisa wasiirrada waxaa uu bilaabay dadaallo dib-u-heshiisiin ah oo uu ku baadi goobayo dhinacyadii ka biya diiday doorashadiisa. Madaxweynihii xilka uga horreeyay, mudane Xaaf oo isna sheegtay inuu maamul kale ku dhisayo Gaalkacyo, ayaa noqday qofkii ugu muhiimsanaa ee aqbala baaqa Qoorqoor, isagoo 13-kii Abril xaflad ka dhacday Dhuusamareeb xilkii kula wareejiyay hoggaanka cusub.
Xildhibaannada ka soo jeeda Galmudug oo doorashada Qoorqoor aad uga soo horjeestay, ayuu Qoorqoor iyagana ku soo dhaweeyay Dhuusamareeb, iyagoo laf ahaantoodu shaaciyay in ay la dhacsanyihiin maamulka cusub ayna si buuxda ula shaqeynayaan. Intaa waxaa dheer murashixiintii la tartamay oo iyaguna marar kala duwan ictiraafay natiijada iyo hoggaaminta Qoorqoor.
Waxaa dad badan soo jiitay sidoo kale, shakhsiyaad magac weyn leh oo Qoorqoor u xilsaaray caleemasaarkiisa, halkaasoo laga dhadhansaday inuu soo wado maamul tayo leh oo ay hoggaanka u hayaan wasiirro karti leh.
Wixii markaa ka dambeeyay waxaa indhaha dadka siyaasadda daneeya u jeesteen dhanka Galmudug, iyadoo aad loo xiiseynayay in wax laga ogaado xubnaha uu u xulan doono wasiirrada cusub. Qoorqoor ayaa meel fog ka bus kiciyay markii uu wasiirradiisa ku soo daray, xildhibaanno heer federaal ah oo ka mid ah mucaaradkii ugu cad caddaa dowladda dhexe ee uu Qoorqoor aadka saaxib ula ahaa. Waxaa sidoo kale aad loo ammaanay xubnaha kale ee golaha wasiirrada oo uu ku jiro wasiir hore oo heer federaal ah.
Fursadah iyo Caqabadaha
Galmudug oo ka talisa dhulka uga ballaaran ee al-Shabaab xor ka ah, marka la barbardhigo maamul goboleedyada kale, ka sokow Butlaan, ayaa sidoo kale u muuqata in ay inta badan si dhaqsa ah isaga xallisay khilaadka siyaasadeed ee gudaha, taasoo u sahleysa in maamulku uu durba si wanaagsan isula jaanqaado oo uu ka shaqeeyo horumarinta deegaannadiisa.
Hayeeshee waxaa jira caqabado waaweyn oo maamulka ku hor gudboon, kuwaas oo hadii aan la xallin mar kale jilbaha u dhigi kara.
Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda federaalka ah ee haddana loo dhiibay qaar ka mid ah wasaaradihii ugu muhiimsanaa, oo aan looga maarmaanin la shaqeynta xukuumadda federaalka ah, ayaa haddii aan wax iska beddelin macaamilkooda la xiriira xukuumadda federaalka ah, waxaa ay cuuryaamin kartaa shaqooyinka wasaaradaha loo igmaday.
Tusaale, Wasaaradda dekedaha oo shaqadeeda ugu horreysa ay tahay dhismaha dekedda Hobyo oo xukuumadda federaalka ahi ay heshiis kula gashay dowladda Qadar, ayaa waxaa loo magacaabay, xildhibaan Cabdi Saabir Shuuriye oo ka sokow inuu aad u mucaaradsanaa xukuumadda dhexe, sidoo kalana la sheego inuu xiriir gaar ah la leeyahay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo uu dagaal kala dhexeeyo dalka Qadar, Soomaaliyana aaney isku wanaagsaneyn.
Sidoo kale wasaaradda Amniga Gudaha ayaa loo magacaabay, xildhibaan Axmed Macallim Fiqi oo isna hadda ka hor ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu daran mucaaradka xukuumadda. Dhismaha hay’adaha Amniga ee Galmudug ayaa iyaguna aad ugu xiran xukuumadda dhexe oo hadda ciidamadeedu ay sugaan Amniga Galmudug, tiiyoo ay dheertahay in xoreynta deegaannada Galmudug ee ay al-Shabaab heystaan ay lagama maarmaan tahay in lala kaashado ciidamada heer qaran ee ka amar qaata xukuumadda dhexe.
Haddaba, haddii arrimahaas isdiiddan ee aan xusnay la is oggoleysiiyo, oo Qoorqoor uu ku guulesto inuu wasiirradiisa si wanaagsan ugu haga danaha Galmudug, waxaa halkaas laga filan karaa guula waaweyn oo ay Galmudug ku tallaabsato mustqablka dhow. Haddiisa taa beddelkeeda ay khilaafaadka wasiirrada horay mucaaradka u ahaa kala dhexeeya xukuumadda dhexe ay halkooda ka sii socdaan, taasi waxaa ay cuuryaamin kartaa dadaallada dhibka badan laga soo maray.
Hoggaanka cusub ee Galmudug waxaa haddaba la gudboon in ay hoosta ka xarriiqaan, u howlgalka sidii aanuu markale maamulka weli tabarta yari dib ugu laaban khilaafaadkii horay u ragaadiyay. Waxaa kale oo aad muhiim u ah in aan markale Galmuudg noqon meel ay dana isdiiddan isku herdiyaan, ee taa beddelkeeda diiradda la saaro horumarinta iyo isku howlista arrimaha hor tabinta leh ee horyaalla maamulka.
Tan ugu muhiimsan oo ah imtixaanka horyalla hoggaanka Galmudug ayaa ah sida ay u wada shaqeeyaan hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed, ha ahaado xukuumadda hadda jirta ama tan soo socota.