Waa Maxay Insaaniyad?
Waxaan 7dii todobaad ee lasoo dhaafay wadnay qoraallo la xariiro Ilxaadka ama af Soomaali ku ah Alladiid, qormadeenna maanta waxa aan kaga hadleynaa mowduuc calaaqa xooggan la leh Ilxaadka ama Alla diidka waana waxa loo yaqaan “HUMANISM” ama Insaaniyad oo ah fikir dhowr qarni ka hor ka hana qaaday dalal kamid ah Yurub kuna dhisan in haybta, midabka iyo diimaha ay dadka kala qoqobaan, laakiin Insaannimadu ay tahay heybta qur ah ee isku hayn karto aadanaha, waana in dadka dunida ku nool isu baheystaan isu naxariisasho iyo is garab qabasho aanan loo eegeynin qofka midabkiisa, diintiisa iyo heybtiisa.
Mulxiddiinta Alladiidka ah waxa ay Insaaniyadda ka dhigtaan gabbaad ay ku qarinayaan marnaanta fikir ee la xariirto kaalinta diimaha ee ay dhabarka u jeediyeen, waxay abuurteen diin cusub oo la yiraahdo “HUMANISM”, waxay sheegaan in diimaha dhan ku fashilmeen walaaleynta iyo iskaashiga aadanaha, Insaaniyadduna tahay waxa kali ah ee looga maarmi karo diimo dadka u kala qeybinaa laba saf oo isu cadaw ah.
Tiirarka Insaaniyadda
Fikirka Insaaniyadda waxa uu ku taaganyahay tiirar lix ah waana kuwan:
- Rumeynta waxii hubanti maangal ah, iska fogeynta waxii dhabeecada ka baxsan.
- Rumeynta jiritaanka koonka, insaankuna waa qeyb dhabeecada kamid ah, dhimashada wax kadanbeeyana maleh.
- Fikirka qofka iyo garashadiisa waxay ku simanyihiin la falgalka dhabeecada iyo soo jireenka bulsho.
- Caqligu waxa uu leeyahay ahmiyad iyo mudnaan sare, Insaankuna waxa uu si cilmiyeysan u adeegsadaa caqligiisa si uu u xalliyo mashaakilaadkiisa.
- Anshaxa iyo mabaadi’da waxay u hoggaansamaan waxii soo kordho iyo filashada timaaddada ama mustaqbalka.
Markii si mug eh loo dhuuxo qodobadan lixda ah waxaa soo baxayo in Insaaniyaddu ay tahay Ilxaadkii oo loo magac badalay, nuxurkuna uu yahay in aadanahu sameysto Ilaah iyo diin uu isaga mastaradda iyo maqaska uu u hayo, kuna jaan gooyo asaga aragtidiisa iyo rabitaannadiisa, taasoo xaalka ka dhigeyso in Ilaahii asaga wax abuuray noqdo mid la abuuray, macbuudkii uu noqdo mid asaga hoos tago kuwii caabudi lahaa.
Islaamka iyo Insaaniyadda
Mulxidiinta guud ahaan iyo gaar ahaan kuwooda ka gadooday Islaamka waxay ku doodaan in Islaamku uu yahay diin ku dhisan gacan ka hadal, faquuq iyo meel ka dhac xuquuqda aadanaha, waxa ay tusaale usoo qaataan arima ay kamid yihiin: Jihaadka iyo dhul furashadii Islaamka, Addoonsiga iyo Axkaamta xudduuda.
Waxaa wax dabiici ah in cid walboo xanaaqsan ay ku fashilanto ilaalinta caddaaladda, dhexdhaxaadnimada iyo ammaanada wax soo minguurinta. Dhalin badan oo ka gadooday Islaamka wali doodahooda waxaa ka muuqdo caro xoog leh iyo u oomanaan waxyeeleynta xushmadda diinta Islaamka, waxay si hubsiino iyo aqoon mug lehba ka aradan usoo gudbiyaan eedo ka dhan ah islaamka oo aysan waqti galinin.
Doodda ka dhanka ah insaaniyadda Islaamka waxay iska indho tirtaa laba xaqiiqa oo kala ah:
- inkiraadda in Islaamku yahay diin insaaniyad: Islaamka ka risaala ahaan waxaa loo soo diray waa inuu aadanaha karaamadiisa iyo sharaftiisa sara u qaado, ujeeddooyinka guud ee shanta ah shareecada Islaamka waxa ay u taagantahay ilaalinta wax waliba uu aadana qiima u leh (Diinta, Taranka, maalka, Caqliga iyo Nafta) aayado badan oo Quraanka ah ayaa qeexay in waxa yaalo inta u dhexeyso cirka iyo dhulka (dhabeecada) loo sameeyay in aadanuhu ku noolaado.
Markey timaaddo la macaamilka dadka aan diin ahaan aan islaamka rumeysneyn Islaamku marna ma oggola in qof naftiisa ama maalkiisa lagu xadgubo sabab la xariirto inuusan Muslim aheyn, Ilaahay mar uu ka hadlaayay u baari iyo garsoor sameynta kuwa aan muslimka aheyn waxa uu ku yiri suuradda 60aad aayadda 8aad “Ilaahay idiin diidi maayo inaad u wanaag fashaan, garsoor caddaaladna kula dhaqantaan kuwa aan waxba idiin geysan (dagaal & barakicin) Ilaahayna waa uu jecelyahay kuwa caddaaladda ku dhaqmo” isla suuraddaasi aayadda xigta ee 9aad waxa uu ku leeyahay “Alle waxa uu idinka reebayaa inaad soo dhaweystaan kuwa idinkula dagaallamayo maxaad Islaam u tihiin, guryihiinnana idinka bara kiciyay oo waliba isu baheystay barakicintiina, ciddii soo dhaweysata ama olog la noqotaa waa daalimiin ciqaabta alla mudan”. Dhanka naxariista islaamku waxa uu qabaa in beer nool walow xayawaanba ha ahaadee u wanaagsamayntiisa janno lagu mudanayo, halka Bisad ama mukulaal la xabisay lagu cadaab mutay.
- Xaqiiqada labaad waa isu dheeli tirnaan la’aan ka jirto dhab ka hadalka Islaamka iyo diimaha kale, dhammaan Mulxidiinta kuwooda kasoo jeedo Islaamka iyo kuwa diimaha kale ka yimid waxa ay ka simanyihiin cadaawad ka dhan ah Islaamka oo aanan loo qabin Yuhuudda iyo Kirishtaanka, waxay ka simanyihiin waa buunbuuninta eedaha ka dhanka ah Islaamka xilli ay ka masuugayaan soo hadal qaadka diimaha kale, marar badan waxayba afhayeen u noqdaan difaaca diimaha kale, haddii ay si ka fog xanaaq cadaawad riixeyso isbarbardhig u sameyn lahaayeen waxay Islaamka ka sheegayaan iyo waxa diimaha kae ku saabsan waxbadan ayey ka badali laheyd mawaaqiftooda.
Dagaal marka la yiraahdo ma ahan mid uu Islaamka bilaabay, mana ahan mid muslimiinta u gaar ah, furashada iyo qabsashada dhul cusub waa wax jiri jiray walina jiri dono, mar waliba waxaa kala gaddisan sababaha riixayo dhul ballaarsiga, waxaase mulxidiinta agtooda dabiici ka ah in muuqaal aan wanaagsaneyn laga bixiyay boqol muslimiin ah oo seefa iyo warma ku dagaallamayay, halka ay wax dabiici ah agtooda ka tahay 100 milyan oo dhimasha iyo dhaawac ah oo ay sababeen labadii dagaal ee adduunka. Muddo 1,500 oo sana ah cimriga Islaamka intii ku dhimatay colaado muslimiinta daraf ka yihiin ma gaareyso 2% khasaaraha labadaasi dagaal. Cilmiga lagu faanayo ee looga maarmayo diimaha waa kan soo hindisay labadii bam ee mareykanka ku dhuftay 1945 goobo ka mid ah dalka Japan (Hiroshima iyo Nagasaki) oo illaa hadda ay ku dhalanayaan ilma uusan abuurkoodu dabiici aheyn oo wali raadkii kiimikada ka muuqato.
Insaaniyaddu waa wax loo baahanyahay waase ineysan noqon gabbaad dano gurracan laga leeyahay, oo ujeedada maacaan ee muuqato mid dacar ah aysan ku hoos duugnen.
Maxamed Cabdullaahi Goosaar