Tixanihii wadaxaajoodka doorashooyinka qaranka, ee lagu qabtay magaala Madaxda Galmudug ee Dhuusamareeb oo madaxweyne Farmaajo uu shalay u bixiyay magac cusub oo la yiraa Samareeb, ayaa diirradda lagu saaray halka Soomaaliya ay u jaheysan doonto afarta sano ee xigta muddo xileedka hay’adaha siyaasadeed ee Dowladda Federaalka ah. Shirarka Dhuusamareeb 1, 2 iyo 3 ayaa yimid kaddib muddo dheer oo uu taagnaa khilaaf u dhexeeyey hoggaanka maamul goboleedyada qaarkood iyo Dowladda Federaalka ah.
Qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah ayaa iyaguna dowladda ku eedeeyay in ay dooneyso muddo kororsi sharci darro ah, iyo in madaxda dowladdu ay dadweynaha ku marin habaabinayaan doorasho qof iyo cod ah oo aan suurgal ahayn, iyagoo marar kala duwan ku hanjabay in ay dowladda la dagaallamayaan haddii muddo xileedkeedu dhamaado iyadoo aan xukunka wareejin.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo marar kala duwan madaxda maamul goboleedyada ku casuumay Muqdisho si ay uga soo qeybgalaan shirka amniga qaranka, ayaan aqbalaad ka helin madaxda Butlaan iyo Jubalaan, iyadoo ugu dameyntii Dowladda Federaalka ihi aqbashay in ay maamullada kula shirto halka ay iyagu doortaan oo noqotay Dhuusamareeb.
Shanta hoggaamiye ee maamul gobleeydayada, ayaan 12-kii Luulyo shir u gaar ah oo ay ku qabsadeen Dhuusamareeb waxa ay gabagabadii ugu baaqeen madaxda heer federaal in ay in ka soo qeybgalaan shirka wajigiisa labaad. Inkastoo aan heshiis buuxa lagu gaarin Dhuusamareeb 2 haddana waxaa waddada loo xaaray waji seddexaad oo looga heshiinayo doorashooyinka qaranka ee 2020/2021, kaasoo lagu ballamay in wajigiisa seddexaad markale 15-ka Agoosto ka dhaco Dhuusamreeb.
Hayeeshee, Jubalaan iyo Butlaan ayaa shirka ka baaqday iyagoo aan markii hore sii sheegin maqnashahooda iyo sababta toona, inkasytoo ay gadaal dambe hadal ka soo saareen, si kataba, Dhuusamareeb 3 waa qabsoomay heshiisna waa ka soo baxay.
Casharrada laga bartay Dhuusamareeb 3
Wajiga seddexaad ee shirka Dhuusamareeb, oo ahaa kii ugu adkaa marka laga eego qodobbada looga dooday iya xilliga xasaasiga ah ee uu ku soo beegmay, ayaa laga bartay casharro siyaasadeed oo ay tahay in waaya-aragnimada laga helayna lagu dabbaqo go’aan gaarista siyaasadeed ee noocaan ah.
1. Isbaddalka ku yimid aragtida beesha caalamka ee jihaynta siyaasadda Soomaaliya: Wakiillada waddamada shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah oo marka xilligaan oo kale la gaaro qaadan jiray kaalin dhexdhexaadineed iyo faragelin toos ah, ayaa xilligaan la soo baxay dhaqan ka duwan kii looga bartay ee ahaa in ay shirka ka soo qeybgalaan isla markaana ay madaxda Soomaalida ku qasbaan gaarista heshiisyo aaney raalli ka ahayn. Inkasta oo xubnaha beesha caalamka ee ku sugan Soomaaliya, ay maalmihii la soo dhaafay soo saareen qoraallo ay ku boorrinayaan madaxda Soomaalida in ay gaaraan heshiis u dan ah dadkooda, ayna miiska wadahadalka isugu yimaadaan, haddana waxaa ay si cad uga baaqsadeen in ay shirka fargelin toos ah ku sameeyaan ama ay madasha xaadiraan, waxaana taa beddelkeeda uu Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha-guud ee Qamada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan uu Golaha Ammaanka ka hor sheegay in Soomaalida ay u taallo aayo ka talinta dalkooda.
Madaxda Jubalaan iyo Butlaan ayaa beesha caalamka ugu baaqay in ay dammaanad ka noqdaan fulinta heshiiska loo ballansanaa in Dhuusamareeb lagu gaaro, waxaase taa beddelkeeda xubnaha beesha caalamku ay ku dhaliileen labada hoggaamiye ka maqnaanshahooda Dhuusamareeb 3. Haddaba casharkan ayaa hoosta ka xarriiqaya in aragtida ay Soomaalidu beesha caalamka ka heysto ee ah in ay yihiin hay’ad loo dacwoodo aaney waxba ka jirin, halkaasoo laga dareemayo baahida loo qabo in Soomaalidu ay iyadu is aqbasho halkii ay shisheye ku tiirsanaan lahayd.
2. Eedeymaha muddo kororsiga oo noqday dacaayad siyaasadeed oo uu dhibbane u yahay madaxweyne kasta oo muddo xileedkiisu gabagaboyahay: Madaxweyne Farmaajo oo dhowr mar oo kala duwan isaga iyo xukuumaddiisu sheegeen in doorashada waqtigeeda lagu qabanayo, ayaa haddana waxaa si joogta ah loogu dhalleeceeyay inuu ka shaqeynayo muddo kororsi; hasa ahaatee eedeymaha muddo kororsiga ah ayaa sidan oo kale loogu jeedin jiray madaxweynayaashii Farmaajo ka horeeyay, taasoo ugu dambeyntii iska beenowday. Heshiiska Dhuusamareeb ayaa si cad u qeexaya in doorashadu ay waqtigeeda ku dhacdo meeshana laga saaray doorasho qof iyo cod ah.
3. Saameynta siyaasadeed ee Butlaan oo aad hoos ugu dhacday: Butlaan iyo Jubalaan ayaa iska diiday in ay ka soo qeybgalaan shirka Dhuusamareeb 3, iyagoo ku dooday qodobbo loo arkayay in aaney xaq u lahayn oo ay sharuud uga dhigeen ka qeybgalkood shirka. Labada maamul ayaa ku dooday seddex arrin oo kala ah in marka hore madaxweyne Framaajo uu soo magacaabo Raysul Wasaare, in madaxweynuhu meesha ka saaro kaalinta sharci iyo siyaasadeed ee baarlamanka iyo in beesha caalamku ay toos u farageliso wadahadallada Soomaalida dhexdeeda ah.
Casharka Dhuusamareeb 3 haddaba laga bartay ayaa ah in diidmada Butlaan oo kaashatay Jubalaan, aaney inta kale ka hor istaageyn gaarista go’aanno siyaasadeed oo dalka oo dhan saameeya, sida marar hore dhici jirtay. Hoggaanka Butlaan iyo Jubalaan waxaa ku adkaatay in ay xilligaan fahmaan halka dabeysha siyaasadda u dhabaneyso, iyo weliba in ay sii oddorosaan aragtida beesha caalamka oo ay ku adkatay in ay si wanaagsan u fahmaan.
Siyaasiyiin iyo waxgarad ka soo kala jeeda labada maamul ayaa soo dhaweeyay natiijada Dhuusamareeb, waxaana halkaasi ka muuqata in hadda hoggaanka labada maamul ay wajahayaan cadaadis uga imaanaya dadka ay xukumaan, kaasoo ku baaqaya in ay Soomaalida kale wax la qeybsadaan.
Guulaha Dhuusamareeb 3
Heshiiska dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyadu ku gaareen Dhuusamareeb, ayaa soo hooyay guulo waawayn oo bogaadin mudan.
– Guusha ugu weyn ee laga gaaray shirku waa in ay Soomaali oo aan cidna dhexdhexaadin ay gaareen heshiis siyaasadeed oo aad u culus. Heshiiskii noocaan oo kale ahaa ee ugu dambeeyay oo Soomaalidu ku heshiiyaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa isla markaana marqaati iyo dammaanad ka ahaa, xubnaha beesha caalamka oo weliba heshiisyada wax ka saxiixay, halka Dhuusmareeb 3 ay si madaxbannaan Soomaalidu ugu heshiisay.
– Guusha labaad ee heshiisku keenay waa in gabi ahaanba meesha laga saaray tuhunkii dadka qaar qabeen ee ahaan in dalku uu galayo dagaal iyo hubanti la’aan siyaasadeed iyadoo inta badan Soomaalidu soo dhaweysay waaga cusub ee baryay.
– Heshiiska Dhuusamareeb 3, waxaa uu aad hoos ugu dhigay walaaca xooggan ee laga qabay in xilli doorasheedkani uu la mid noqdo kii 2016, oo dalka uu ka dhacay musuq aad u baahsan iyo kuraastii xoogga iyo lacagta lagu kala qaatay. Heshiiskan ayaa aad u xoojiyay xaqa ay muwaadiniintu u leeyihiin in ay madaxdooda doortaan, iyadoo aad loo kordhiyay tirada codbixiyeyaasha iyo deegaannada ay ka codeynayaan.
Caqabadaha xalka u baahan
Inkastoo uu soo baxay heshiis siyaasadeed oo Soomaalidu aad u soo dhaweysay, haddana waxaa xaqiiqa jirta ah in ugu dambeynta ay lagama maarmaan tahay in ay maamullada ka maqnaa ay oggolaadaan heshiiskaan, si deegaannadooda ay doorasho uga qabsoonto. Taasi haddaba waa caqabad taagan oo uga baahan madaxda heshiiska gaartay iyo waxgaradka kale ee Soomaalidu in ay labada maamul ku boorriyaan in ay ka horumariyaan tabashadooda midda guud ee shacabka.
Caqabadaha kale ee heshiisku wajahayo waa in ay aad u adagtahay fulintiisu ayna u baahantahay in la geliyo juhdi ka ballaaran kii heshiiska lagu gaaray. Heshiiska Dhuusamareeb 3, ma ahan farsama ahaan mid sahlan, waxa uuna u baahanyahay dhaqaalo aad fara badan, xirfad iyo shaqaale si fiican loo tababaray iyo weliba hufnaan siyaasadeed oo ay la yimaadaan madaxda heshiiska gaartay, si doorashooyinku ay u noqdaan kuwa xor iyo xalaal ah.
Ammaanka ayaa isna ah caqabad weyn, iyadoo ay adkaan doonto in si buuxda loo sugo goobaha codka lagu dhiibanayo iyo in la ilaaliyo guud ahaan ammaanka erdaga kala duwan, maadaama la yiri doorashadu hal maalin ayey dalka oo dhan ka dhacaysaa.