Bal suuree sidee buu xaalkaagu noqon lahaa haddii adiga oo maalqabeen ganacsade aad habeen qudha khasaarto 1.81 bilyan dollar.
Xaaladdaas waxay ku dhacday Andrew Rickman, dabayaaqadii sanadkii 2000.
Xilligaas waxaa soo wajahay khasaare sababay in uu hoos u dhac weyn ku yimaado saamiyadii shirkaddiisa oo lagu magacaabo Bookham Technology.
Mar qura waxaa soo ifbaxay shirkadaha bixiya adeegga internet-ka ee loo yaqanano “dotcom”, taasoo sababtay inay burburaan dhammaan shirkadihii waaweynaa ee suuqa heystay.
Andrew wuxuu shirkadda Bookham aasaasay sanadkii 1998-kii, fikirkana wuxuu la yimid isagoo ku jira jikada gurigiisa oo ku yaallay Wiltshire, xilligaas oo uu ahaa 28 jir.
Waxay shirkaddiisu durba noqotay mid ka mid ah ilaha ugu waaweyn ee laga helo adeegyada tiknoolojiyadda iyo isgaarsiinta wuxuuna abuuray tiknoolojiyad sahleysay in xogta si dhakhso ah la isu gudbiyo iyadoo la isu marsiinayo leesarro iftiin ah iyo quraarado.
dabayaaqadii 1990-meeyadii, ganacsiga shirkaddiisa iyo iibkeeda ayaa kor u kacay, iyadoo guriyo badan lagu sii xirayay adeegga internet-ka, sidoo kalena telefoonnada gacanta lagu adeegsanayay Internet-ka uu sahlay.
Xaaladdu waxay ahayd mid aad u fiican, ilaa heer ay shirkadda Bookham qiime sare ka saarto suuqa saamiyada ee UK, bishii April ee sanadkii 2000.
Markii ay heerkii ugu fiicnaa mareysay Bookham, xagaagii sanadkii 2000, Andrew wuxuu heystay adduun lacageed oo ka badan £1.5bn., hase yeeshee markii uu dhacay khasaarihii dotcom bubble, dabayaaqadii isla sanadkaas, waxaa mar qura burburay saamiyadii shirkadda Bookham iyo hantidii Andrew.waxayna arrintan mar kale soo jiidatay indhaha warbaahinta, kuwaas oo markan baahinayay guuldarradiisa.
Hoos u dhaca shirkaddiisa waxaa horseeday in dhammaan macaamiishii ku xirneyd ay u weecdeen shirkadaha mowjadaha ahaa ee la yimid adeegyada internet-ka ee raqiiska ah.
Halkaas waxaa ku burburay ku dhawaad 2 bilyan oo doolar oo ku jiray ganacsiyadii shirkadda.
Nasiib wanaag, Andrew wuxuu xilligaas heystay £50 malyan oo gini, oo bangiga ugu jirtay, taasoo uu si tartiib tartiib ah dib ugu abuuri karay ganacsigiisa.
Ugu dambeyn wuxuu shirkaddiisii hore faraha kala baxay sanadkii 2004-tii, wuxuuna billaabay waji cusub oo uu ku maalgashado tiknoolojiyadda.
Markii lasoo gaaray sanadkii 2013-kii wuxuu billaabay shirkaddiisii ugu dambeysay – Rockley Photonics.
Adnrew wuxuu saadaaliyay in shirkaddiisa ugu dambeysay ee Rockley Photonics ay sanadkiiba iibin karto adeegyo ku kacaya balaayiin gini, ayna heer aad u sarreeya sii gaareyso.