LONDON (HALBEEG) – Mid kamid ah ehelladiisa ayaa BBC-da u sheegay in Frank Bough oo ku geeriyooday gurigiisa oo in muddo ah lagu daryeelayey.
BBC-da aad ayey ugu amaantay shaqadiisii.
Afhayeen u hadlay BBC ayaa yiri: “Frank wuxuu si wanaagsan ugu soo shaqeeyey BBC-da sanado badan, aad ayaan uga xunnahay inaan maqalno geeridiisa.
Waxaan tacsi u diraynaa qoyskiisa iyo asxaabtiisa”
Soo-jeediyuhu wuxuu ka mid ahaa shakhsiyaadkii ugu caansanaa telefishannada ee sanadihii 1970-naadkii iyo 80-maadkii wuxuuna qayb ka ahaa daah-furkii BBC-da ee Breakfast TV show 1983.
Sannadkii 1989 Sky News ayuu ka shaqo billaabay isaga oo soo gudbin jiray wareysiyo taxane ahaa.
Si kastaba ha ahaatee, shaqadiisii Sky waa ay soo gabagabowday kaddib markii shaqada looga eryay fadeexo ka dhan ah sumcaddiisa oo ay soo werisay News of The World.
Bough, wuxuu maray qalliin beerka looga beddelay oo guuleystay 2001 kaddib markii uu ku dhacay kansar.
Frank Bough wuxuu ku dhashay bartamaha Egland gaar ahaann magaalada Stoke-on-Trent bishii Jannaayo 1933.