HALBEEG -Facebook ayaa shaacisay maanta oo Isniin ah in ay qorsheyneyso hir-gelinta 2 xarig oo ah kuwa xambaara Internet-ka oo lamirsiin doono gunta hoose ee Badda waxaana ku wehlinaya mashruucan Google.
Xariggan Internet-ka ayaa la doonayaa in uu isku xiro Sigapore, Indonesia iyo Waqooyiga America si sare loogu qaado awoodda Internetka ee gobolka.
Sidoo klae Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in mashruucan ay ku lug yeelan doonaan shirkadaha isgaarsiinta ee ka howl-gala Singapore iyo Indonesia.
“Echo iyo Bifrost ayaa lagu kala magaacaabaa labada cable ama xarig ee la marsiin doono badda hoosteeda waxayna kordhin doonaan awoodda xarigga Internet-ka ee Badda hoosteeda 70%” sidaas waxaa yiri Madaxweyne ku-xigeenka facebook ee dhanka maal-gashiga Kevin Salvadori oo Reuters u warramay.
Wuxuu ka gaabsaday in uu sheego xaddiga lacageed ee maal-gashigan, ha yesshee wuxuu hoosta ka xarriiqay in uu yahay mashruuc ay ku xaeyso lacag badan oo loogu tala galay Kuunfur-bari Aasiya.
Xarigyadan Xambaara Internetka ayaa ah kuwii ugu horreeyay ee ku xira Waqooyiga America dalka Indonesia isagona si awood ah isugu xiri doona gobollada bartama iyo kuwa bariga ee Indonesia oo ah dalka 4-aad ee dunida ugu dadka badan, sida uu sheegay Kevin Salvadori.
Mid kamid labada xarig oo lagu magacaabo Echo ayaa waxaa u xil saran Alphabet oo Google ay leedahy wuxuna ugu dambeyn Indonesia iyo waqooyiga America isku xiri doonaa 2023, Salvadori ayaa u sheegay Reuters.