HALBEEG – Inkasta oo saacado ka badan kuwa shaqada laga shaqeyn karo guriga, haddana shaqaalaha badankood waxa ay daneynayaan in ay ka soo shaqeeyaan gurigooda, sida lagu sheegay sahan ay sameysay Harvard Business School.
Iyadoo Covid-19 uu shirkado badan ku qasbay in shaqaalaha ay u diraan in guryahooda ka soo shaqo galaan ayaa haddana shaqalaahaasi badankood jecleysteen in loo joogteeyo guri ka soo shaqeynta.
In kabadan 1,500 oo kamid dadka sahanka ay ku sameysay Harvard ayaa qaba in ay jecleysteen ka soo shaqeynta meel ka fog xaruntooda shaqo islamarkaana ay kororsadeen xirfado iyo aqoon kaabeysa shaqadooda.
“Run ahaantii tani waa arrin wanaagsan maxaa yeelay waxay nasiineysaa inaan wax badan qaban karno islamarkaana wati fiican u helno qoysaskeena” ayuu yiri mid kamid ah dadka Sahanka lagu sameeyay.
Sahankan ayaa imaanaya iyadoo malaayiin kamid shaqaalaha Mareykanka iyo kuwa caalamka intiisa kale ay ka soo shaqeynayaan gurigooda muddo 1 sano ah kaddib markii Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ay ku dhawaaqday musiibada weyn ee COVID-19.
Laakiin shaqaalaha qaar ayaa qaba in ay waayeen saaxiibadoodii shaqada iyo nolosha xafiisyada, haddana saas oo ay tahay waxay doorbidayaan in ay ka soo shaqeeyaan guriga si ay u dareemaan fir ficooni xorriyad dhanka shaqada ah taas oo keeneysa in ay mas’uuliyad iska saaraan shaqada, sida uu sheegay Patrick Mullane oo ah Agaasimaha fulinta ee Harvard Business School.
Sahanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in 81% shaqaaluhu doonayaan ka soo shaqeynta guriga, gaar ahaan 27% kamid ah ay doonyaan sii joogto ah in ay uga soo shaqo galaan guriga halka 61% ay 2 ilaa 3 maalin toddobaadkii ay kasoo shaqeeyaan gurigooda.