WASHINGTON(HALBEEG)-Shirkadda Amazon ayaa raalligelin ka bixisay arrin ay horay u beenisay oo ah in darawalladeeda mararka qaar, lagu khasbo inay ku kaadiyaan dhalooyin caag ah.
Mudane Mark Pocan, oo ka tirsan xisbiga dimuqraadiga kana soo jeeda Wisconsin ayaa horay u sheegay in shaqaalaha Amazon uu heysto cadaadis kuna kaadiyaan dhalooyinkii biyaha laga dhamaystay.
Bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee ‘Amazon ayaa markaa ku jawaabay: “Haddii taasi run tahay, qofna inooma uu shaqeeyeen.”
Shirkadda ayaa hadda raaligelin bixisay kaddib markii ay soo baxeen caddeymo muujinaya in darawallada shirkadda ay ku kaadiyaan dhalooyinka biyaha laga dhamaystay.
Waxay intaa ku dartay in xarumaha fulinteeda dhammaantood ay leeyihiin daraasiin musqulo ah oo shaqaaluhu isticmaali karaan “wakhti kasta”.
Warbaahinta qaarkeed ayaa soo xigtay shaqaale fara badan oo Amazon ah kuwaas oo xaqiijiyay in aan la siinin fursad aan hayn in ay ku kaadiyaan dhalooyinkaas caagga ah inta ay shaqeynayaan.