BAYDHABA(HALBEEG)-Qarax maanta barqadii ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay ayaa sababay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Qaraxan ayaa la sheegay in weerarkiisu uu lahaa nin jaakad isku soo xiray oo soo dhex galay makhaayad ku taalla bartamaha magaalada.
Bartilmaamedka ninkan isa soo miidaamiyay ayay wararku sheegayaan in uu ahaa in lagu khaarijiyo guddoomiyaha gobolka Baay ee maamulka Koofur Galbeed Cali Wardheere Cabdiraxmaan oo makhaayadda ku sugnaa balse ka badbaaday qaraxa.
Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan ayaa shaaciyay in qaraxa maanta ay ku dhinteen laba ruux oo shacab ah 5 qof oo kalana ay ku dhaawacmeen, uuna ka badbaaday qaraxa guddoomiye Wardheere.
Ciidamo ka tirsan Booliiska maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay kuwaas oo baaritaanno kawada goobta.
Qarax kale oo lala eegtay mid kamid ah gaadiidka ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa isna ka dhacay degmad Heliwaa
Kooxda al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda labada qarax ee ka kala dhacay Muqdisho iyo Baydhaba.