MUQDISHO(HALBEEG)-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii 5-aad loo doortay xilka Madaxweynenimo ee dalkaas.
Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ugu hambalyeeyay Madaxweyne Geelle oo shalay ku guuleystay doorasho ka dhacday Jabuuti.
Guusha uu mudane Geelle ka soo hoyay tartanka doorashada ayuu madaxweynuhu ku tilmaamay mid xoojineysa horumarka iyo xasilloonida Gobolka, isagoona xusay inuu ku kalsoonyahay horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka Gobolka.
“Waa guul xoojinaysa horumarka iyo xasilloonida gobolka,Waxaan ku kalsoonahay in aad dardargelin doonto horumarka iyo wax wada qabsiga dalalka gobolka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweyne Geelle, waxaa la tartamay ganacasade Zakariye Ismaaciil Faarax oo 57-jir ah, oo helay 1.59% tirada guud ee codadka doorashadan, ganacsadahan oo ah shakhsi ku cusub siyaasadda Jabuuti ayaa musharraxnimadiisa baraha bulshada ku shaaciyay bishii January ee sanadkan.