CALIFORNI(HALBEEG)-Microsoft ayaa sheegtay in barta LinkedIn ee ay bulshadu ku xariirto laga xaday qaar kamid ah xogta macaamiisheeda.
Baaritaan arrinta ku aaddan oo la sameeyay ayaa caddeeynaya in la tiray qaar kamid ah profile-ka macaamiisha sidoo kalena lagu dul qoray in xogtaasi ay iib tahay.
Falkan been abuurka ah ayey LikedIn xustay in aan xubin xubin loo xadin balse lagu dul qoray xogaha qaar kuwo iib ah.
LikedIn wey ka gaabsatay in ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiso falkan iyo tiradda adeegsadayaasheeda oo uu falkan saameeyay.
Cybernews ayaa 6-dii bishan April werisay in keydka xogta Linked In lagalay lana tiray profile-ka 500 milyan oo User laguna post gareeyay in ay yihiin kuwo iib ah website-yo ay adeegsadaan burcadda Internetka.