WASHINGTO(HALBEEG)-Shirkadda Facebook ayaa macaamiisheeda ka raalligelisay muddadii ay hawada ka maqnaayeen adeegyada Faceboog, WhatsApp iyo Instagram.
Facebook ayaa barteeda twitter -ka ku soo qortay raaligelinteeda ku aaddan dadka ay saameysay intii adeegyadani hawada ka maqnaayeen.
Adeegyada aaladaha baraha bulshada ee dadku ku wada xiriiraan ee Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa dib hawada ugu soo laabtay kaddib markii ay hawada ka maqnaayeen ku dhawaad 6 saacadood,sida ay shirkadu sheegtay.
Shirkadda ayaa sheegtay in sababta ay ahayd cillad ku timid hannaanka ay shirkadahani u shaqeyso.Saddexda aaladood waxaa iska leh shirkadda Facebook.
10.6 milyan oo qof oo ku kala sugan sugan dacallada dunida ayaa soo sheegay in ay dhibaatadani saameysay.
Shirkadahani ayuu adeeggooda hawada ka baxay qiyaastii abaaro xalay fiidkii xilliga geeska Afrika.
Bayaan ay soo saartay shirkadda Facebook ayaa lagu sheegay inaysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaya in xogta dadka isticmaala barahani galaagal lagu yeeshay intii ay cilladani jirtay.
Khubarada falanqeeya arrimahani ayaa sheegay in carqaladda ku timid facebook iyo shirkadaha kale ee ay bahwadaagta yihiin uu ka dhashay khasaaro xooggan oo soo gaaray shirkadahan iyada oo saacad walba lacag dhan nus malyuun doolar oo xayaysiin ah ay khasaarayeen shirakadahani.
Saamiga shirkadda facebook ayaa hoos u dhacay 5% suuqa saamiyada magaalada New York.