DOHA(HALBEEG)- Xulka Dalka Sacuudi Carabiya ayaa maanta guul taariikhi ah ka gaaray xulka dalka Argentina oo ay isku arkeen cayaar ka tirsaneyd Group C, ee koobka adduunka ayaga oo kaga adkaaday 2-1.
Daqiiqaddii 10-aad ee cayaartaba, waxaa durba gool dhallinta billaabay Argentina, oo Lionel Messi uu u dhaliyey rigoore, waxaana kadib filashadu ay aheyd imisa gool ayey Argentina raacin doonaan.
Argentina kadib waxay dhaliyeen saddex gool, oo dhammaantood la diiday sababtoo ah waxay ahaayeen dhinac ka bax ama offside, waxaana qeybtii hore ee cayaarta ay ku idlaatay 1-0 oo Argentina ay ku hoggaaminayeen.
Qeybtii labaad ee cayaarta Sacuudi Carabiya ayaa dhalisay laba gool oo degdeg ah, daqiiqaddii 49-aad iyo 53-aad, oo ay kala saxiixeen Saleh Al-Shehri iyo Salem Al-Dawsari.
Argentina ayaa kadib billaabay weerar badan, balse Sacuudiga ayaa si qurux badan u difaacatamay, waxaana kabtan Messi iyo kooxdiisa ku adkaatay inay mar labaad taabtaan shabaqa Sacuudiga oo ay dhaafaan goolhaye Mohammed Al Owais.
Argentina ayaa kubadda haysatay inta badan cayaarta ama 69%, halka Sacuudigu haysteen kaliya 31%, balse waxba waa ku tari waayeen.