Afeef:- Qoraaga maqaalkani marnaba lid kuma aha in dumarka Soomalaiyeed lahaadaan dhamaan xuquuqda sharcigu siiyay ee waxa uu tooshka ku daarayaa shirqoolka caalamiga ah ee adeegsiga xuquuqda dumarka si loo dumiyo diimaha.
Sida ay isku raaceen khubaro badani, dunida aynu ku noolnahay waxaa k ajira afar aafo oo loogu talo galay duminta diimaha iyo akhlaaqda, kuwaas oo kala ah:
- Dumar-u-difoosaynta (Feminism) oo aan ula jeedno ladagaalanka diimaha, gaar ahaan islaamka, iyada oo la huwanayo shaarka xuquuqda haweenka.
- Ilxaadka oo micnihiisu yahay inkiridda jiritaanka/maamulka Allah iyo wax kasta oo diin, akhlaaq, aakhiro iyo qayb la xiriira.
- Khaniisnimada oo aan guud ahaan ula jeedno rag ama dumar isku jinsi ah oo iyagu wax iska daya ama rag iyo dumar beddela noocii jinsiga (Lab/Dhedig) ee ay ahaayeen iskana dhiga nooca kale.
- Ku-mashquulinta dadka wax aan micno iyo qiimo midna u lahayn noloshooda adduun iyo aakhiro.
Maqaalkeenna maanta, waxa aan ku lafo-guraynaa aafada1aad.
Horta maxaan ula jeednaa Dumar-u-difoosaynta?
Tani maahan in aynaan aaminsanayn in la dhawro xuquuqda dumarka Soomaaliyeed, waayo waa walaaleheen, gabdheheenii iyo hooyooyinkeen.
Tani ulama jeedno jideynta in niman ardaal ahi gabdhaha ku furaan caruur, deedna u diidaan masariifta, ama ilmaheeda uga qaataan si xaq-darro ah, ugana tago meel madow oo cidlo ah.
Tan ulama jeedno inaan laga dhiidhiyin gabdhaha ay kooxaha xagjirka ahi iska hortaagayaan waxbarashada iyo shaqada.
Tan ulama jeedno in aan bulsho ahaan aqbalno in gabdhaheenna galmo looga bedesho marka ay shaqo doontaan.
Dumar-u-difoosaynta waxaan ula jeednaa in lagu gabbado difaaca, ama doonista xuquuqda haweenka, iyada oo ujeedka qarsoon yahay duminta diimaha, gaar ahaan islaamka.
Maxaa inoo ah tusaalooyin taariikheed?
Sooyaalka Soomaliya waxaa ku buuxa iskudayo badan oo laga shaqeeyay hirgelinta arinka Dumar-u-difoosaynta ee ujeedkeedu yahay la dagaalnaka diinka. Tusaalayaashaas waxaa ka mid ah kuwa soo socda:
- Xeerkii qoyska ee 1975 oo isagu heer aan abid la arag ka gaaray la dagaalanka diinta, kadib markii lagu qoray qodobo toos uga hor imaanaya aayadaha dhaxalka ee suuratu-nisaa. Nasiib-wanaag, xeerkaas waxaa baarlamaanka Soomaaliyeed ku buriyay fadhigiisii ugu danbeeyay ee sanadkii 1990kii (1).
- NGO yada faraha badan ee ku hawlan arrimaha gender ka.
- In marar badan golayaasha siyaasadda dalka lagu go’aamiyay in 30% xildhibaanada dalku noqdaan dumar, iyada oo taasi si toos ah uga hor imaanayso qodobada dastuurka KMG ah ee dalka oo qeexaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed u simanyihiin xuquuqda iyo waajibaadka.
- Xeerkii kufsiga ee xukuumadda Khayre ansixisay, laakiin ay gaashaanka u daruureen guddoonkii baarlamaanka ee xilligaas (Mursal iyo Mudey)
- Iyo dhacdooyin kale oo hadda ka socda dalka oo intooda badan la xiriira eedo kufsi oo aan jirin, welibana mararka qaar ay caddaato in hay’ado shisheeyee maalgelinayaan sida dhacdadii dhawaan ka dhacday Dhuusamareeb ee Macalin Shucayb.
Muxuu xanbaarsnyahay mashruuca Dumar-u-difoosaynta ee ujeedkiisu yahay duminta dintu?
- In la sharciyeeyo Zinada mar haddii labada qof isaga raali yihiin.
- In aabaha la iska hortaago u guurinta gabdhihiisa.
- Sharciyaynta khaniisnimada iyo isu-galmoodka dad isku jinsi ah (Lab/dhedig)
- In meesha laga saaro qiwaamada ninka iyo xaqiisa la xiriira goynta talada qoyska.
- In la wiiqo jiritaanka qoyska Soomaaliyeed, iyo in meesha laga saaro kaalinta hooyonimo ee taranka aadanaha iyo ilaalinta sii jiritaankiisa.
Yaa qayb ka ah/Aaladaha la adeegsado?
Kooxaha mashruucan wadaa waxa ay isugu jiraan kooxo dan qotto dheer ka leh hawshan, iyo kooxo dameeri dhaan-raacday ah oo ka shaqaynaya hawl aanay waxba ka ogeyn. Kooxahaas ayaa kala ah kuwa hoos ku xusan:
- Dumar qarsanaya gaalnimo iyo ilxaad (Inkiridda Allah), isla markaana si ulakac ah ula dagaalamaya islaamka iyo wax kasta oo uu u taaganyahay.
- Masuuniyadda caalamiga ah.
- Dalalka reer Galbeedka.
- Dumar laga yaabo in ay la kulmeen dhibaatooyin rag geystay.
- Dumar baahan oo noloshii la gashay u shaqaynta NGO-yo leh ajandayaal gurracan.
- Dumar aan aqoon badan u lahayn diinta islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida.
Muxuu yahay ujeedka laga leeyahay Mashruucan Dumar-u-difoosaynta?
Arinkan ujeedooyinka laga leeyahay waa mid leh labo heer oo kala ah:
- Muuqaalka sare markaad eegto, waxaad mooddaa in arinkan looga gol leeyahay ilaalinta Xuquuqda dumarka, la dagaalanka takoorka dumarka, Awood-siinta dumarka, La dagaalanka xadgudubyada ka dhanka ah dumarka, iyo wixii la mid ah.
- Laakin, mark aad si qoto dheer u eegto arinkan, waxaa kuu soo baxaya in ujeedka dhabta ah yahay la dagaalanka diimaha, gaar ahaan islaamka, jideynta khaniisnimada, Burburinta qoyska, Baabi’inta akhlaaqda iyo dhawrsoonida, Burburinta iyo dabar goynta aadanaha, Wiiqidda haybteenna islaaamiga ah iyo dhaqankeenna suuban.
Maxaa caddaynaya in ujeedka mashruucani yahay midkaas gurracan?
Waxaa kuu caddaynaya in mashruucani leeyahaay ujeedooyinka sare ku xusan in aadan abidkaa arkayn kooxah mashruucan wada oo ka shaqaynaya:
- Sidii hooyadu u ababin lahayn ubadkeeda.
- Sidii hooyadu u heli lahayd caafimaad iyo daryeel.
- Sidii loo bili lahaa aqoonta hooyada.
- Kobcinta ganacsiyada dumarka.
- La dagaalanka maandooriyaha oo gabdhaha Soomaaliyeed ay xiligan la joogo qayb weyn ka yihiin isticmaalkiisa.
- IWM ee wax u taraya hooyada.
Taas bedelkeeda, dadka mashruucan ku hawlani waxa ay mar kasta ka shaqeeyaan arimaha soo socda:
- In la dumiyo qoyska kadib marka qoorta la isu geliyo ninka iyo ooridiisa.
- In hooyooyinka laga saaro guryaha, si loo waayo cid ubadka daryeesha.
- In laga dhigo gabdhaha xijaabka, jirkoodana laga dhigo badeeco eeyuhu ku kala goostaan suuqyada.
- In la buuro fawdo jinsi oo dadku sida xoolaha oo kale ama si ka liidata isu fuulfuulaan.
Maxay tahay khatarta arinkani leeyahay iyo halista marxaladdan?
Maadaama dalkeennu dhaqaale ahaan xilligan ku tiirsanyahay reer-galbeedka oo iyagu mashruucan hoggaan u ah, waxaa igu jirta cabsi ah in ajandahaas qurmoon la marsiiyo hay’adeheenna dawliga ah, gaar ahaan baarlamaanka.
Khatarta ugu weyni waa in sharci la inooga dhigo wax ka hor imaanaya diinteenna, akhlaaqdeenna iyo haybteenna.
Khatarta ugu weyni waa in aan luminno dhawrsoonideenna, xijaabkeenna, iimaankeenna, iyo sharafteenna.
Khtarta ugu weyni waa in aan ka liidanno xayawaanka oo inta isku jinsiga ah (Lab/dhedig) aanay marnaba isu galmoon.
Khatarta ugu weyni waa in Qur’aanka nala nacsiiyo kadib marka macalimiinta Qur’aanka la inoo tusiyo in ay yihiin kufsadayaal haweysta caruurta ay wax barayaan.
Khatarta ugu weyni waa in diinka iyo ahalkiisa naloo tusiyo bahlo laga horeynayo kufsiga gabdho saqiirro ah.
Khatarta ugu weyni waa in dhulkeenna laga meel mariyo sharci aan wax xiriir ah la lahayn wax kasta oo aan aaminsannahay, isla markaana ay iska diideen wadammo aan diinku ku xooganayn sida Kenya iyo Uganda.
Khatarta ugu weyni waa in halkan Soomaaliya laga ansixiyo sharci uu horay iyo haddaba diidanyahay madaxweyne Trump.
Khatarta ugu weyni waa in qoysaskeenna la burburiyo, ubadkeennu dayacmo, tarankeennu lumo, isla markaana meesha laga saaro ababinta iyo asluub-ku-korinta ubadka ee aan ab iyo awow kala dhaxalnay.
Khatarta ugu weyni waa in aan lunno oo abid danbe la ina waayo!
Sidee loola dagaallami karaa mashruucan?
Si aynu isu hortaagno mashruucan dad, dal iyo diin dumiska ah, waa in aan wacyigelin joogto ah ka siinnaa bulshadeenna, gaar ahaan haweenkeenna la khaldayo, isla markaana hay’adaha dawladda aan ka ilaalinno dadka ay gaaladu noo soo dusinayso ee xanbaarsan maskaxdooda, kuna shaqaynaya ajandahooda.
Waxaa qoray Ali Jama