Ka soo bilaw cirifka koofureed ee Xamar, deegaanka cusub ee lagu magacabo Xalane oo magaca ka wata askari Soomaaliyeed oo la oran jiray Xalane, kuna caan-baxay sida uu u daafacay, naftiisana ugu huray calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Deegaankan oo qiyaastii ku fadhiya dhul baaxaddiisa lagu qiyaaso 6 kiilo mitir oo labo jibbaaran, ayaan qawaaniinta dalka Soomaaliya si weyn uga shaqayn. Kama hawl galaan halkan ciidanka amniga Soomaaliyeed ee booliska iyo nabad-sugidda. Taas beddelkeeda, amniga Xalane waxaa suga ciidan aan la aqoon tiradooda iyo dalalka ay ka soo jeedaan midna, hase yeeshee hoos taga UN-ka, Safaarado, Midawga Afrika, iyo shirkado amni oo gaar loo leeyahay. Badi dadka ku hakani ku nool waa ajaanib isugu jirta askar iyo shibil, si buuxda looma yaqaan shaqooyinka ajaanibtaasi ka hayaan deegaanka Xalane, waxaase la qiyaasaa in ay isugu jiraan askar, diblomaasiyiin, basaasiin dalal qalaad, shaqaale xirfadlayaal ah iyo kuwo bixiya adeegyo aan la aqoon. Halkan Xalane lagama helo adeeg waxbarasho, mana lahan isbitaal marka laga reebo isbitaallo ay leeyihiin ciidanka Midawga Afrika, UN-ka ama safaaradaha qalaad ee meesha deggan. Nadaafadda deegaankan Xalane waxaa gaacanta ku haya shirkado isugu jira kuwa saxarada ka jiida musqulaha, iyo kuwa qashinka qaada. Jidadka meeshan Xalane ku yaal waxa ay u badanyihiin kuwo raf ah, waxaase jira hal jid oo laami ah oo isku xira cirifka bari iyo kan galbeed ee deegaanka.
Halkan lagama helo gaadiid dadweyne, waxaa la adeegsadaa badi baabuurta aan xabbadu Karin iyo gaadiid ciidan oo gaashaaman. Malaha meelo lagu jimicsado ama jirka lagu dhisto marka laga reebo jid cadde dheer oo dhinac mara dhabbaha diyaaraduhu ka duulaan ee garoonka Aadan Cabdulle, halkaas oo ajaanibta iyo Soomaali kale oo magac leh ku lugeeyaan ama ku ordaan galabtii iyo subaxdii.
Dhismayaasha Xalane badi waa konteenarro loo qaabeeyay guryo ahaan, laguna xiray qaboojiyeyaal. Qiimaha nolosha Xalane waa mid aad qaali u ah, gaar ahaan jiifka oo ah mid aan la goyn karayn, una dhexeeya $ 200-$500 habeenkiiba. Marka aad Xalane joogto waxa ugu badan ee indhahaagu qabtaan waa dhagaxda iyo HESCO-yada la isaga dhigo qaraxyada, halka waxa ugu badan ee aad maqlayso marka aad goobtan joogtaa yahay guuxa diyaaradaha ka kacaya ama ku degaya garoonka Adan Cabdulle iyo rasaasta ay joogtada u ridayaan askar tababar iyo dab-rid ku qaadata meeshaas. Halkan Xalane waxaa laga helaa adeegyo aan ka jirin Muqdishada kale ee aynu naqaan sida khamriga iyo masaajka ay sameeyaan dumarku. Dadka halkan Xalane deggan inta badan waxa ay ka shaqeeyaan hawlo maamul, ciidan, amni, basaasnimo, taakulo (logistics), iyo mararka qaar in ay kala iibiyaan qalabka ciidan ee laga soo xado xoogagga Midawga Afrika, rasaasta iyo hubkuna ka midka yihiin. Badi cuntada halkan laga cuno ama walxaha laga cabbo waxaa laga keena dalka dibeddiisa. Halkan Xalane maalintii waa goob shaqo, habeenkiina goob khamriga lagu cabbo inkasta oo habeen-socodku aanuu ku badnayn.
U kaalay Xamarta labaad ee jidka Makka al-Mukarramah, laga bilaabo isgoyska Soobe ilaa garoonka Kubadda Cagta ee Eng. Yariisow (Ex. Konis Stadium), una fidsan dhanka xeebta iyo dhanka waqooyi ee jidka Makka. Halkan dadka daggani waxa ay u badanyihiin xildhibaanno, wasiirro, ganacsato, shaqaale dowlad, NGO-ley, ajaanib u badan shaqaale ka shaqeeya dhisidda guryaha, xirfadlayaal kale oo sare iyo shaqaalaha ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Noloshu halkan waa qaali, inkasta oo ay ka yaraha raqiisantahay midda Xalane. Meelaha ugu badan ee qaalinimadka nolosha ee deegaankan laga dareemayaa waa kirada guryaha oo halkii apartment lagu kireysto wax u dhexeeya $ 350-$1500 bishii. Halkan waxaa ku yaal goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee ee ugu tirada badan caasimadda. Jidadka ka dhisna inta badan waa dhisanyihiin oo qaarna Turkey ayaa dhisay, qaar kalana maamulka Gobolka Banadir oo kaashanaya ganacsatada ayaa dhisay. Deegaankan waxaa lagu tiriyaa meelaha ugu nabdoon, uguna halista badan caasimadda, waayo, marka la eego tirada dadka lagu gaadmo-dilo, waa wax aad u yar, laakiin deegankani waxa uu martigeliyaa qaraxyada ugu badan, amaba dhamaan qaraxyada ka dhaca saddexda Xamar. Halkan waxa ku yaal madaxtooyada qaranka, wasaaradaha iyo wakaaladaha dowladda, xafiisyada baarlamanka, maxkamadaha dalka, iyo xarumaha booliska iyo nabad-sugidda. Hab-nololeedka deegaankani waa ka duwanyahay Xamarta labaad iyo midda saddexaad labadaba oo waxa uu leeyahay nolol iyo soojeed/dhafar habeenkii ah. Waxaa ka jira super markets laga adeegto cunto iyo qalabka nadaafadda oo tayadoodu ka sarrayso alaabaha laga helo Xamarka saddexaad ee Bakaaro hooyadu u tahay. Waxaa deegaankan laga helaa dukaamo iibiya dharka qaaliga ah ee ragga iyo dumarka, barafuunnada brands-ka caalamiga ah sida Dior, Channel, Doce & Gabbana, Hugo Boss iyo kuwo kale. Meeshan waxa ay saldhig u tahay bankiyada iyo hay’adaha maaliyadda ee dalka. Gaadiidka ugu badan ee halkan laga adeegsadaa waa baabuurta aan xabaddu Karin, bajaajta iyo tagaasida Rikaab iyo little. Waxaa deegaankan ka jira meelo lagu caweeyo oo music iyo qaaci laga helo iyo meelo kale oo dubnadda, turubka iyo laadhuuda lagu madadaasho. Meeshan waxaa ku yaal hoteellada, maqaayadaha iyo kafeteerooyinka ugu badan ee saddexda Xamar, halkaas oo ay ku haasaawaan gabdho iyo wiilal qurux badan, inta bandanna caato ama xayaysi ah. Halkani waa meesha ay ka dhacaan xafladaha aroosyada ee ugu badan, uguna bilan caasimadda maadaama ay martigeliso hoolalka xafladaha ee caasiamdda. Si ka duwan Xamarta saddexaad ee aan xagga hoose kaga warrami doonno, deegankan gabdhaha waxaa loo hasystaa in ay xijaab xiranyihiin kol haddii ay qamaar yar oo aan naasahooda daboolayn madaxa ku dabooshaan. Nadaafadda deegaankan waxaa gacanta ku haya Dowladda Hoose ee Xamar oo jidadka xaaqda, halka dadka deegaankuna lacag ku siiyaan shirkado gaar loo leeyahay in ay qashinka ka fogeeyaan maadaama aan deegaankan laga aqoon god qashinka lagu aaso oo guriga hortiisa laga qotto. Halkan waxaa ku yaal garoomo ay dadka deegaanku ka samaysteen xaafadahooda, kuwaas oo laga sameeyay biro, caws macmal ah iyo shabaq, isla markaan lacag lagu kireysto saacaddiiba. Guryaha deegaankan ka dhisan waxa ay u badanyihiin villooyin inkasta oo dabaqyada iyo appartments-kuna si xawli ah ugu soo badanayaan deegaankan hadda. Halkan waxaad si weyn u dareemaysaa sarraynta sharciga iyo awoodda dawladda Soomaaliyeed waayo dadka halkan deggan waxaa laga qaadaa canshuur noocyo badan, ganacsi aan ruqsad lahayn ma furan kartid, baabuur aan canshuurta waddo-marista bixin ma wadan kartid, haddii uusan taargo lahayn, ama laysanku kaa dhacsanyahayna warkeedaba daa. Dadku halkan marka ay isqabtaan waxa ay badanaa u dacwo tagaan saldhigyada booliska iyo maxkamadaha.
Deegaankani waa meesha loogu dhafarka badanyahay Xamar iyada oo halkan laga helo maqaayado 24ka saac shaqeeya iyo gaadiid xilli kasta socda.
Bal u soo gal Xamarta saddexaad ee ka bilaabata jidka Wadnaha una degta ilaa Dayniile, Huriwaa, Kaaraan, Suuqa Xoolaha, Garasbaalley, Galmudug, Dharkeynley iyo Wadajir.
Halkan waxaa ku nool inta ugu badan bulshada Xamraawiyiinta ah. Dhismayaasha halkan ku yaal waxa ay u badanyihiin saro duug ah, jiingado iyo cooshado ama buushash. Halkan waxaan deggan barakacayaasha ugu badan ee gudaha dalka ku barakacay, waxaa sidoo kale ku yaal labada suuq ee ugu waaweyn Soomaaliya ee Bakaaro iyo Suuq-bacaad. Dadka halkan deggan waxa ay u badanyihiin dadka canshuuraha siiya al-Shabaab deedna aan ka biqin waxyeelayntooda. Deegankan mararka qaar waxaa ka dhaca dilal qorsheysan, hase yeeshee lagama yaqaan qarax. Meeshani waa halka ugu badan ee Shabaab ka sameeyaan lacagaha ay dadka ka qaataan. Iskuulaad dhawr ah iyo dhowr jaamacadood ayaa halkan ku yaal, waxaa sidoo kale ku yaal xarumaha shirkadaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn dalka. Badi jidadka halkan ku yaal waa burbursanyihiin, kamana jirto nolol habeen, muusig iyo goobo lagu caweeyo midna. Gabdhaha waxaa loo aqoonsanyahay in aanay xijaabnayn kol haddii aysan wadan jilbaab weyn. Maciishaddu halkan waa ka raqiisantahay magaalada inteeda kale, tusaalaha ugu sahlanna waa kirada guryaha villooyinka ah oo u dhexeeya $ 100-$300. Awoodda dawladdu halkan aad ugama muuqato oo halkii loo garsoor doonan lahaa maxkamadaha degmooyinka, waxaa la door bidaa maxkamadaha al-Shabaab ee ku yaal daafaha Muqdisho. Nadaafad badani kama jirto halkan, waxaana buux-dhaafiyay lo’ baadi ah oo meel walba saalo dhoobta. Halkan waxaa ku yaal tuulada cayaaraha ee ugu weyn dalka ee Mogadishu Stadium inkasta oo aan aad loogu ciyaar doonan maadaama ciidan deggenyahay. Deegaankan waa ku yartahay ilbaxnimadu, dadkuna xattaa kuwa hantida leh, uma lebistaan si habboon, waxaadna arki kartaa in badi dadku wataan dhar duug ah, cabbir ahaanna ka weyn ama aan nadiif ahayn. Waxaad arkaysaa kuwo jeebka ku sitta shanlo, kaniiniyaal aan la aqoon waxa ay daweeyaan iyo waraaqo xusuus-qor ah laakiin baaliyoobay. Halkan waxaa ku nool dadka ugu ladan Xamar, laakiin aan marnaba hantidaasi ka muuqan dharkooda iyo dhogortooda midna.
Inta badan dadku waa qufacayaan, mase badna inta isdawaynaysaa. Cuntada halkan laga cuno waxa ay u badantahay cuntada Soomaalida lagu yaqaan ee bariiska, baastada, soorta iwm. Carruurta inta badan lagama tallaalo cudurrada dilaaga ah iyo kuwa faafa sida Qaaxada, Jadeecada, Gawracatada, iwm. Halkan waxaa caan ka ah jidadka xiran, kala wareeg, dhagax jidka dhex qotoma, askar, ID ma haystaa, iyo ciriiri aad u daran oo gaadiidka iyo dadkaba haysta. Deegaannadan waxaa kale oo caan ka ah xarumaha lagu dhaqan-celiyo dadka akhlaaqda, diinta ama dhaqanka ka taga, kuwo loo haysto caasi-waalidnimada ama kuwo balwad lagala tacaalayo. Meesha ugu qurxoon, uguna nasiinada wacan ee ku taal Xamarta saddexaad waa xaafadda Daaru-salaam oo beer qurxoon, jidad fiican, hawo saxansaxo leh, waddooyin lagu dhisay interlock, iskuulaad waxbarasho, isbitaal, madaaris Qur’aan iyo masjid wanaagsanba leh.
Ma ila fahamtay in ay jiraan saddex Xamar? Saddexda Xamar middee adigu ku nooshahay?!
Anigu waxaan ku noolahay Xamarta Saddexaad, waanan ku faraxsanahay.
Waxaa qoray Ali Jama
20/01/2023