MUQDISHO(HALBEEG)- Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay Magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe oo xarun u ah al-Shabab sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya.
Wakaaladda wararka dawladda Soomaaliya ee SONNA ayaa sheegtay in weerar lala beegsaday xarunta ururka al-Shabaab ee Jilib, iyadoo intaa ku dartay inuu khasaare jiro.
Warbixinta ayaa intaas ku dartay in khasaaraha uu isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo xarumo la burburiyay, balse lama faah-faahin tirada ama heerka khasaaraha
Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddadii sanadka ahayd ee ay dhisnayd waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah al-Shabaab si Soomaaliya ay u noqoto mid xasilan oo gacanta dowladda lagu maamulo.
Dowladda oo kaashanaysa dadweynaha ayaa guluf iyo dagaallo badan kula gashay al-Shabaab gobollada dalka kuwaa oo ay badankood ku guulaysatay in ay kaga saarto kooxda deegaannadii ay maamuli jireen.