MUQDISHO(HALBEEG)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacday munaasabad lagu shaacinayay natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee gobolka Banaadir sanad dugsiyeedka 2022/2023.
Tirada ardayda sanadkan u fadhiisatay imtixaanka 31,372-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.
Agaasimaha guud ee waxbarashada Gobolka Banaadir Cabdifitaax Bare oo natiijada shaaciyay ayaa sheegay in imtixaanka ay gudbeen 30,837 arday waxaanaharay/ dhacay 535 Arday.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hambalyeeyay ardaydii gudubtay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed.