RIYAD(HALBEEG)- Neymar ayaa heshiis labo sano ah u saxiixay kooxda ka dhisan Saudi Arabia ee Al-Hilal kadib lix sano oo uu la joogay Paris St Germain kaas oo weeraryahanka Brazil uu kula guuleystay koobab badan oo gudaha ah, balse ma uusan helin fursad uu qaado Champions League oo ay si aad ay u rabtay PSG.
31-jirkan wax faahfaahin ah oo maaliyadeed ah oo ku saabsan beeciisa lama shaacin Talaadadii, laakiin waxaa lagu soo warramayaa inay ahayd ilaa 90 milyan oo Yuuro ($ 98.24 milyan).
Wargeyska Faransiiska kasoo baxa ee L’Equipe ayaa sheegay in heshiiska uu Neymar ku heli karo 160 milyan oo Yuuro.
Kooxda horyaalka Saudi Professional League (SPL) ee Al-Hilaal ayaa ku dhawaaqday in Neymar uu u saxiixay heshiis dhacaya 2025, iyadoo ciyaaryahankan waddanka Brazilian uu yiri, “Waxaan joogaa Sacuudiga, waxaan ahay Hilali” kadib muuqaal lasoo dhigay baraha bulshada ee kooxda.
Neymar ayaa PSG ku biiraay sanadkii 2017 markaas oo uu kasoo dhaqaaqay Barcelona, iyada oo lagu kala iibsaday lacag rikoorka adduunka ah oo dhan 222 milyan oo Yuuro.
Waxa uu u dhaliyay 118 gool 173 kulan oo uu u saftay kooxda Paris waxana uu kula guulaystay koobab badan oo ay ku jiraan shan horyaal oo Ligue ah.