Waxaa qoray Cali Jaamac
Email: [email protected]
Mudane Guddoomiye;
Marka hore ii cudurdaar waayo, inkasta oo aan xaq u leeyahay in aan ogaado, haddana anigu hubaal uma dul istaagin tirada dakhliga soo gala Gobolka Banaadir sanad kasta, meelaha uu ka soo galo, iyo siyaalaha aad u kharash garaysaan lacagahaas, waxaanse ogahay in hanti-dhawrka Qaranku, warbixintiisa sumamddeedu tahay: XHG/HG-0138 ee soo baxday 17/11/2018 uu ku sheegay in dakhli idin soo galay muddadii u dhaxaysay January-June, 2018 ay wadarteedu ahayd USD 15,281,181.09, taas oo idinka soo gashay ilaha hoos ku taxan:
- Waaxda Gaadiidka iyo Ganaaxyada (Gaadiidka BL-ka ah ee lacagaha looga qaado baraha koontorool ee magaalada laga soo galo iyo ilaa 30,000 oo bajaaj ah oo aad bishii ka xareysaan lacag dhan 15 doollar middiiba);
- Waaxda dad-dhigista (ID-ga halkii qof oo aad ka qaaddaan lacag dhan USD 15);
- Waaxda Caafimaadka;
- Waaxda Canshuurta;
- Waaxda Adeegyada;
- Waaxda Suuqyada;
- Waaxda Maamulka Dhulka;
- Waaxda Nadaafadda;
- Guddiga Khilaafaadka Dhulka;
- 15% aad ka heshaan dakhliga furdadda Xamar;
Runtii xiiso badan uma qabin, waanse ku qasbanaaday in aan warqaddaan kuu soo qoro waayo, maalin kasta waxaan ku dhibtoodaa jidadkii magaalada oo qaarna aad xirteen, qaarna xareedda waran lala mari waayo ilaa ugu dambayn ay biyuhu xireen waddada aadda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.
Meelaha ugu daran ee magaalada khadyaanka laga taaganyahay biyaha waxaa ka mid ah:
- Jidka deegaanka Sii-sii ee u dhexeeya Sanca iyo Fagax;
- Xarunta Degmada Warta Nabadda iyo deegaananda ku xeeran;
- Jidka Afgooye, inta u dhaxaysa Isbitaalka Benaadir iyo isgoyska Ex-Control Afgooye, agagaarka campus-kii weynaa ee Jaamacadda Ummadda;
- Jidka isku xira Km4, Avizioni ilaa Dekedda weyn ee Muqdisho;
- Jidka u dhexeeya warshaddii Xayle Bariise iyo Hotel Guuleed, Degmada Heliwaa;
- Isgoyska Fagax, Degamda Yaaqshiid;
- Biyo-dageenka Suuqa Xoolaha;
- Jidka isku xira Black sea iyo Baar Ubax, agagaarka meesha laga galo suuqa Dawada ee Bakaaraha;
- Laamiga isku xira isgoyka Soobe iyo Ceel-qalow, deegaanka Buulo-xubey.
- Iyo meelo kale.
Dhibaatada ay inagu hayaan biyahani waxa ay isugu jirtaa:
- Dhibaato dhaqaale: waayo waxa ay biyahani culeys weyn ku yihiin isu-socodka dadka iyo badeecooyinka, taas oo sare u qaadda qiimaha gaadiidka gaar ahaan iyo qiimaha maciishadda magaalada guud ahaan.
- Ciriiri noloeed:Oo waad dareemi kartaa dhibka iyo diihaalka ka soo gaara dadka reer Muqdisho ku safridda jidad burbursan, saalto badan oo haddana biyo fadhiyaan. Taas waxaa sii dheer waqtiga faraha badan ee inooga luma jidadkan silaca ka daalay.
- Dhibaato caafimaad:Iyada oo biyahani marka ay muddo fadhiyaan ay ka dhashaan cudurro halis ah sida duumada/Malaariyada IWM.
- Burbrur baaxad leh oo soo gaara jidadkaaan qaarna ku dhisannay xooleheenna, qaar kalana ay inoogu deeqeen sama-falayaal kala duwan.
Waan ogahay in roobku ku socdo amar ilaah, isla markaana aydaan adinku waxba ka qaban Karin joojintiisa, yarayntiisa, badintiisa, goobta uu ku da’ayo, goorta uu da’ayo iyo xaddiga roobka soo hooraya.
Laakiin, sidaas oo ay tahay, weli waxaan hubaa in arrinka biyaha fariisanaya jidadka Magaalada wax bdan laga qaban karo.
Mudane Guddoomiye;
Ka warran haddii aan wax-ka-qabashada biyahan u qaybinno saddex marxaladood oo kala ah:
- Marxaladda1aad:Waxaan iibsanaynaa keliya labaatan booyadood oo middiiba qiimaheedu aanuu ka badnayn USD 30,000, taas oo wadarta xoolaha aan u baahannahay ay nqoonayso USD 600,000. Shaqada boyadahan inoo qabanayaan waa in ay biyaha ka dhuuqaan meelaha biyo-fariisadka ah ee magaalada mar kasta oo roob inoo da’o. Sidoo kale marxaladdan, waxaan u baahannahay in aan si wanaagsan u adeegsanno baabuurtii waaweyneed iyo cagafcagafyadii cusbaa ee walaaleheenna Turkigu inoogu deeqeen si ay waddooyinka magaalada uga qaadaan dhiiqada iyo bacaadka ay daadadku soo rogaan.
- Marxaladda 2aad:Marxaladdan waxaan soo iibsanaynaa ilaa 30 matoor oo biyaha ka bambeeya deegaananda ay fariistaan, una dhaadhiciya badda. Sidoo kale waxaan soo iibsanaynaa tubboyin dhaadheer oo isugu kaaya xira halka biyuhu fariistaan iyo badda, kuwaas oo aynu dhulka hoostiisa ugu duugno hab disheensa ama kala sarrayn ah si biyuhu ugu hooraan badda kadib marka matoorradu bambeeyaan. Matooradan iyo tuboyinkani inoogu kicimayaan wax ka badan USD 5-6 million oo dollar.
- Marxaladda 3aad: Marxaladdaan waxaan si tartiib-tartiib ah u dhisi karnaa sewage (Bullaacad) si fiican loo dhiso oo magaaladu yeelato annaga oo ku bilaabayna hal jid, deedna aayar-aayar u sii balalarinayna xattaa haddii ay sanado inagu qaadato.
Haddaba gudoomiye, ma qabannaa shaqadaas u qaybsan saddexda marxaladood? Sow maaahan wax aan qaban karno?
Haddii jawaabtaadu noqoto “Haa”, igala soo xirir e-mail ka xagga sare ka muuqda si aan ugu deeqo/tabarruco hal booyad oo ka mid ah kuwa biyaha ka dhuuqi doona biyo-fariisadyada magaalada!
Mahadsanid Guddoomiye;