W/Q: C/llaahi Sh. Xambali
Cid walba oo diinteeda, dadkeeda iyo dalkeeda khiyaano ku samaysa in walba ha la’ ekaatee waxa ay taariikhda ka galaan baal madoow oo laga daalacdo khiyaanada ay galeen.
Soomaalidu waligeed ayey daaqa, biyaha iyo dhulkaba isku qabsan jireen iskuna dili jireen aakhirkana waa ay ka heshiin jireen wax walba oo dhex mara.
Waa arrin ugub ku ah taariikhda soomaalida in dhul soomaaliyeed masuul soomaaliyeed saxiixo isaga oo doonaya in uu ku wareejiyo qowmiyad iyo dal shisheeye!
Hilmaan dhawaa ma umulbaa
Waxaan maqli jiray “Hilmaan dhawaa ma umulbaa”
Hadda mala dhihi karaa Muuse Biixi wuxuu hilmaamay madaxdii soo martay Itoobiya in ay dhamaantood aaminsanaayeen in uusan jirin dhul soomaali leedahay ee uu jiro kaliya dhul Itoobiya leedahay oo ay dagaan beelo soomaali la yiraahdo?
Ninkii u soo joogay dagaaladii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya oo uu ugu caansanaa dagaalkii ku caan baxay 77-ban oo soomaali oo dhan ay ka qeyb gashay, ogna in uusan jirin qoys soomaaliyeed oo aan u hurin naf iyo maalba, kana war hayo in aan si rasmi ah wali looga heshiin, waa khiyaano qaran in maanta uu fagaare la soo istaago Itoobiyaan bad u saxiixayaa !!!
Caqliga marka uu meeshaa gaaro waxaa jira waxgarad xigaalo ah oo ku soo baxo masuulka ay siyaasaddu ka cayn wareegto, kuna hagoogto, tusana tubta toosan.
Waa hubaal in ay jiraan dad indheer-garad ah oo u dhashay gobolada Waqooyi oo aan aqbalaynin in bad soomaaliyeed taako laga siiyo Itoobiya iyo dal kalaba oo gobanimada u diidayso inay gunnimo aqbalaan, maxaa yeelay waad baahan tahay bakhti looma cuno.
Ku quus qaado Qudus
Hadalka Muuse Biixi ee la xiriira in aan Itoobiya bad la siinin balse kaliya laga kireeyay, wuxuu isoo xusuusiyay iskaashatadii koobnayd iyo beeraleeydii Yuhuudda ahayd ee Filistiin fiisaha ku soo gashay qarnigii tagay, iminkana ku doodaysa “Falustiiniyiintu ha ka isaga baxaan marinka Ghaza”
Cadowgaagu hadduu kaa xoog badan yahay wuu ku xoogaa, haddii kalana wuu ku xoodaamiyaa, tanuse xoodaamin ka daran ee waa xatooyo maalin cad ah.
Duudsiga isticmaarka iyo!
Gumeystaha uunka daga!
Dantay naga leeyihiin!
Iyo siday nala doonayaan!
Haddaydaan dulucda garan!
Wax badan oo daahan iyo!
Dareen baa idinka maqan!
Arinta ah “Baddu waa kiro” Waa sun malab lagu dhayay si ay xididada iyo oofaha kuu googoyso intaad ka dharagto adigoo malab saafi ah u haysta, taariikhdaana markhaati ah haddaan hadda laga hortagin suntaas.
Muuse Biixi waxaan weydiin lahaa “Adeerow hadduu arinku sidaa yahay maxaa keenay saldhigyada iyo ciidamada ay Itoobiya keenayso soomaaliland? May dekadana isticmaasho amniga iyo maamulkana uga danbayso madaxda iyo nidaamka soomaaliland?
Jawaabtu way iska caddahay, waana oohintu orgiga ka weyn.
Muusoow haddaad moogtahay aan kuu waramo: Soomaaliland iyo Putland waxay dheeraayeen soomaalida inteeda kale hal arin, kaasoo ah: inuusan ciidan shisheeye joogin ee ma wanaagaasaa kuu cunami waayay?
Dowladda Federaalka Soomaaliya
Haddii aan u daadago mowqifka dowladda Federalka Soomaaliya ee la xariira arrinka badda waa mid bogaadin mudan inay ganafka ku dhuftaan damaca Itoobiya ee baal marsan dhammaan xeerarka caalamka ee kala duwan iyo xitaa garashada caadiga ah.
Waxaan madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sh. Maxamuud iyo golaha wasiirada ee DFS sigaar ah ugu ammaanayaa mowqifka adag ee ay iska taageen damaca guracan ee Itoobiya ee waalida lagu tilmaami karo.
Waxaan madaxweynaha kula dardaarmayaa in dalka iyo dadka soomaaliyeed uu u diyaariyo in ay heegan galaan si looga hortago damaca Itoobiya, uusanna ku gaabsan hadal qurux badan oo qudha.
Waa Ilaahay mahadii in Soomaaliya laga qaaday cunaqabataytii hubka, sidaa awgeed waxaan Madaxweynaha DFS iyo hay’adaha ugu sareeya maamulka DFS ugu baaqayaa inay mid ka mid ah dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya isla markaana leh cudud milateri aan ka helno heshiis difaac si ay noogu ilaaliyaan badaha, xuduudda iyo khayraadka qaranka ee sida muuqata aanan nasiib darro annagu difacan karin, arinkaasuna waa arin caadi ka ah caalamka.
Shacabka Soomaaliyeed
Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay maanta oo kale midnimo muujiyaan si looga hortago in baddeena xoog iyo xeeladba lagu qaato, qof walboow xilbaa ku saaran.
Soomaaliyeed waxaa dunida naga reebay dagaal sokeeya oo aan dhamaan islamarkaana aan lagu kala adkaan, sidaa awgeed waxaan idinkula dardaarmaya inaad u istaagtaan:
Difaac qaran, dadnimo iyo isku duubni,
haddii kale waxaan hubaa in sida aan nahay aysan Itoobiya nagu daynaynin, maxaa yeelay adiguba cadowgaaga oo dagan ma aadan dayseen.
Bal adigu is weydii su’aashan: Itoobiya may hungureeyso badda Eretariya iyo midda Kenya?
Itoobiya
Masuuliyiinta Itoobiya waxaan xasuusin lahaa: dhalaqabe dhalo ma jabiyo, haddii masuuliyiinta Itoobiya ay is tusiyeen “Soomaaliya maanta waa tabar daran tahay ee baddeeda qaata” waxaan u sheegayaa in ay Itoobiya maanta leedahay boogo badan oo aan ka danqin karno oo halis ku ah wadajirkeeda.
W/Q: C/llaahi Sh. Xambali –
Talaado 02.01.2024
Istanbul – Türkiye