NAIROBI(HALBEEG)- Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa maanta Nairobi ku kala saxiixday heshiisyo ku saabsan dhinacyada, Arrimaha dibedda, Nabadgalyada, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo arrimaha adeegga Bulshada.
Afar heshiis ayay kala saxiixdeen labada wadan, kuwaas oo kala ah:
1-Heshiis dhinaca amniga ah, gaar ahaan mid khuseeya la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada
2-Heshiis dhinaca ganacsiga ah, kaas oo Soomaaliya ay door bidayso in badalka qaadka Kenya u dhoofiso Soomaaliya, Iyana badeecaddo kaluunku kamid yahay gayso suuqyada Kenya.
3-Heshiis dhinaca Socdaalka ah, si gaara sidii loogu fududeyn lahaa muwaadiniinta labada wadan dal ku galka. Soomaaliya ayaa aad u daneyneysa in muwaadiniinteeda si fudud lagu siiyo dal ku galka Kenya.
4-Heshiis Waxbarashada iyo Caafimaadka la xiriirra.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiisyo kala duwan tobankii sano ee u dambeeyay.
Heshiisyadaasi waxa kamid ahaa kuwa dhinaca amniga khuseeya; kuwa ganacsiga iyo socdaalka la xiiirra.
Inta badan ma fulin heshiisyadaasi. Sababbaha loo aaneeynayo waxa kamid ah hay’addaha dawladda Soomaaliya oo wali ku jira koritaan, diiwaanka heshiisyadaasi oo aan la dhigin halkii saxda ahaa, iyo isbadallada ku dhaca xukuumaddaha oo keenta in mid kasta, gasho heshiisyo hor leh, iyada oo aan dib u eegin heshiisyadii hore ee xukuumaddihii ka horreeyay galeen.