MUQDISHO(HALBEEG)- Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu Falastiin u aqoonsan doono dowlad madax bannaan 28 ka bishaan May.
Sidoo kale ra’iisul Wasaaraha Ireland Simon Harris ayaa sheegay in waddankiisu uu aqoonsan doono dowlad madax bannaan oo Falastiiniyiintu yeeshaan.
Ra’iisal wasaaraha dalka Norway Jonas Gahr Store ayaa sheegay in dalkiisu uu Falastiin u aqoonsanayo dowlad madax bannaan.
Dalalkan Yurub ka tirsan ayaa sheegaya in xalka colaadda Israa’iil iyo Falastiin uu ku jiro in ay labada dhinac u macaamilaan sidii laba dowladood oo kala madax bannaan.
Israa’iil ayaa ka carootay tillaabadaan oo ku tilmaantay mid sii hurineysa colaadda haatan ka taagan magaalada Gaza.
“Waxaan u dirayaa Ireland iyo Norway fariin cad, Israa’iil kama noqon doonto kuwa wax u dhimaya madax-bannaanideeda oo khatar gelinaya ammaankeeda,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Israel Katz.
“Israa’iil aamusnaan ugama gudbi doonto arrintan, waxaa jiri doona cawaaqib kale oo halis ah, haddii Spain ay garwaaqsato rabitaankeeda ah inay aqoonsato dowlad falastiiniyiin ah, tallaabo la mid ah taa ayaa laga qaadi doonaa.” Ayuu yiri wasiirku.