WASHINGTON(HALBEEG)- Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo Isniintii la kulmay saraakiisha sare ee amniga dalkiisa ayaa kala hadlay xaaladda ka taagan Bariga Dhexe iyo waxa la gudboon haddii ay Iiraan weerar aargoosi ah ku qaaddo Israel.
Biden ayaa saraakiisha ku wargaliyay diyaargarowga lagu taageerayo Israa’iil haddii la soo weeraro, halka xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken uu sheegay in saraakiishu ay “saacad kasta” ka shaqaynayaan sidii ay uga hortagi lahaayeen xaalad kacsanaan ah.
Xiisadda ayaa sare u kacday toddobaadkii la soo dhaafay kaddib dilkii hogaamiyihii siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyah, kaas oo Iran ay ku eedaysay Israel ayna wacad ku martay inay qaadeyso tallaabo aargoosi oo “aad u daran”. Israa’iil ma sheegan mas’uuliyadda dilka.
Dalal badan, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo UK, ayaa sidoo kale u sheegay muwaadiniintooda inay ka baxaan Lubnaan, halkaas oo laga cabsi qabo in Xisbullah, oo ah koox ay taageerto Iran ay door ku yeeshaan jawaab kasta.