MUQDISHO(HALBEEG0- Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada kasoo baxday Imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka 2023-2024
Wasaaradda ayaa sheegtay in sanadkan Imtixaanka fasalka 12aad ay si rasmi ah ugu fadhiisteen 36,035 oo arday iyada oo wasaaraddu sheegtay Waxaa la baabi’iyay natiijada 2,905 arday la baab’iyay natiijadooda kaddib markii qish ku kaceen.
Imtixaanka waxaa ku baasay Arday gaaraysa 33,130 halka ay ku dhaceen 2,905 Arday
kaalinta 1’aad waxaa galay Zakariye Xuseen Maxamuud Cismaan oo ka socday Gobolka Banaadir gaar ahaa Dugsiga al-Marwazi Dayniile oo helay 89%.
Wasaaradda Waxbarshada ayaa munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka kaga dhawaaqday in sanadkan ay waxbarasho lacag la’aan ah siineyso 3,000 oo arday oo gabdho ah.