MUQDISHO(HALBEEG)- Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa beenisay in hawada Soomaaliya loo gacan galinayo dal shisheeye, waxayna sheegtay in aanay suurtogal ahayn in Soomaaliya xilligan loo maamulo hawadeeda.
War saxaafadeed kooban oo ay soo saartay hay’addu ayay ku sheegtay in uusan jirin qorshe ay Dowladda Soomaaliya ogtahay oo suurtogal ka dhigi kara in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dal shisheeye.
“Hawada Soomaaliya waa astaan qaran, waxayna sameysay horumar lataaban karo tan iyo markii ay kusoo laabatay gacanta Dawladda Soomaaliya. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanay suurtogal ahayn in HAWADA dalka ay gacan kale umaamusho Soomaaliya mana jiro qorshe ay Dawladdu ogtahay oo arintaa suurtogal kadhigi kara” ayaa lagu yiri qoraalka Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.
Warka ay soo saartay hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa yimi kaddib markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu uga digay dowladda Soomaaliya in maamulka hawada dalka ay ku wareejiso dal shisheeye gaar ahaan Imaaraadka Carabta.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heshiis la gashay shirkadda NAV-PASS taas oo uruurin doonta lacahaga ka soo xarooda hawada Soomaaliya.