KAMPALA(HALBEEG)- Qaramada Midoobay iyo Mareykanka ayaa Uganda uga digay weerarro argagixiso oo ay suuragal tahay in dalkaasi lagu qaado maamlmaha soo aaddan.
Booliska Uganda ayaa sheegay in digniintaasi lagu xusay in weerarrada lagu soo beego 11, September si la mid ah kuwii lagu qaaday dalka Mareykanka 2001-dii.
Ciidamada Uganda ayaa bilaabay tallaabooyin ay ku adkeynayaan amniga dalka.
Goobaha ammaankooda aadka loo adkeyay waxaa ka mid ah safaaradda Mareykanka iyo xarumaha Qaramada Midoobey ee dalka Uganda.
Warar kale oo la baahiyay ayaa sheegaya in booliska Uganda ay heleen warar sirdoon oo tilmaamaya in kooxda al- Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ay qorsheynayaan in ay weeraro ka fuliyaan gudaha caasimadda Kampala.
Aagga la xusay in weeraradu ka dhici karaan waxaa ka mid ah Kampala International University, Suuq iyo goobo kale. Laamaha ammaanka ayaa lagu boorriyay in ay la wadaagaan digniinahaan meelaha laga cabsi qabo in ay wax ka dhacaan.
Sanadkii -kii 2010-ka waxaa dalka Uganda ka dhacay weerar lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad daawanayay ciyaar ka tirsaneed koobka kubadda cagta adduunka, waxaana ku dhintay dad gaarayay 70 qof.
Mas’uuliyadda weerarkaas waxaa xilligaas sheegtay ururka al-Shabaab.Dowladda Uganda ayaa markii dambe rag lagu helay in ay weerarkaas ka dambeyn xukunno ku ridday.