MUQDISHO(HALBEEG)- Wasiirka maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo kju sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in dayn cafintii kaddib dalka uu gaaray horumar dhanka dhaqaalaha ah.
“Soomaaliya, Dayn cafinta kaddib waxay sameysay horumar dhanka dhaqaalaha ah, runtii waa arrin lagu farxo, waxaan ku howlannahay sidii aan usii xaqiijin lahayn guulahaas la gaaray, Mareykanka waxaan u imid safar shaqo. oo waxaan kulamo la qaatay madaxda Bangiga Aduunka iyo Hay’adda Lacagta Aduunka, kulamadeenana waxay kuso dhamaadeen si guul ah ” Ayuu yiri wasiir Biixi.
Wasiirka waxa uu sheegay inay jiraan dad badan oo Soomaali ah oo ku nool dalka Maraykanka oo guulo waaweyn ka gaaray dhanka Ganacsiga, isagoona ku bogaadiyay dadaallada hormarka leh oo ay sameeyeen dadkaas Soomaaliyeed inay sii laba-laabaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa wali ku howlan dadaallada ay ku bixineyso sidii ay horumar la taaban karo uga gaari laheyd dhinaca kobaca dhaqaalaha dalka