HARGEYSA(HALBEEG)- Maamulka Soomaalilaan ayaa magaalada Hargeysa ku xiray xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Soomaalilaan.
Maxamed Abiib ayaa laga xiray garoonka diyaaradaha ee Cigaal xilli uu safar kaga soo laabtay dalka Imaaraatka Carabta.
Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan hay’addaha ammaanka oo ka hadlay xarigiisa iyo sababta loo xiray.
Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa laga soo doortaa gobolka Awdal ee Soomaalilaan.
Xildhibaan Abiib ayaa lagu yaqaannaa hadallo kulkul oo uu kaga soo horjeedo xukumadda Muuse Biixi Cabdi.
Bishii July ee sanadkan ayaa xeer ilaaliyaha guud ee Soomaalilaan waxa uu Golaha Wakiillada ka dalbaday in ay xil ka xayuubin ku sameeyaan xildhibaan Abiib.
Eedaha xilligaasi loo soo jeediyay xildhibaanka waxaa ka mid ahaa, in uu xildhibaanku la kulmay masuuliyiin ka tirsan Saafaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti iyo in arrimaha ciidamada Soomaaliland uu ka hadlay.
Bartamihii Bishii August waxaa kooram la’aan awgeed qabsoomi waayay kulan Golaha Wakiilladu xasaanadda kaga xayuubin lahaayeen xildhibaan Abiib.
Ma cadda in xarigga xildhibaanku uu daba socdo dacwaddii Xeer Ilaalinta iyo in kale.