MUQDISHO(HALBEEG)- Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in ay dalalka Soomaaliya, Rwanda, Kenya iyo Uganda ka fulinyaan 102 mashruuc oo ay ku kacayso lacag dhan 17.2 Bilyan oo Doollar.
Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalk kor ku xusan ayuu bangigu u xilsaaray fulinta maashriicdaas.
Bangiga Adduunka ayaa haatan ka fekeraya mashaariic waxtar u leh bulshooyinka dalalkan.
Bangiga Adduunka ayaa warbixinnadiisii ugu dambeeyay ku sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobcayo tan iyo markii laga cafiyay deymaha.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday in dalkeedu diyaar u tahay mashaariicda maalgashi ee dadweynaha Soomaaliyeed u abuuro kara fursado ay ku horumarin karaan noloshooda.