HARGEYSA(HALBEEG)- Golaha wakiillada maamulka Soomaalilaan ayaa maanta kulan ka yeeshay xarigga xildhibaan Maxamed Abiib oo shalay lagu xidhay magaalada Hargeysa.
Golaha ayaa maanta laga hor akhriyay dacwaddii ay dhawaan xeer ilaalinta maamulkaasi kasoo gudbisay xildhibaanka.
Mudanayaashga golaha ayaa isku raacay in xildhibaanka aanan laga qaadin xasaanaddiisa, sidoo kalena aan lagu sameyn maamuus ka xayuubin.
57 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiillada ayaa diiday eedeymaha loo jeediyay xildhibaan Abiib, halka 3 mudane ay oggolaadeen, sidoo kale 2 xildhibaan ayaa ka aamusay, ugu danbeynna gudoomiyaha ayaa ku dhawaaqay in sidaas ay ku burtay eedeymihii loo jeediyay xildhibaan Maxamed Abiib oo haatan maxbuus ah.
Xafiiska Xeer ilaalinta Soomaalilaan ayaa horay xildhibaan Abiib ugu soo eedeysay qaran dumisnimo, sumcad dilka ciidanka iyo in uu ka hor yimid danaha qaranka.
Gunaanadkii shirka ee golaha ayaa la arkayay xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun iyo xildhibaan Jamaal Jaah oo gudaha hoolka uu ku dhaxmarayo gacan ka hadal.