MUQDISHO(HALBEEG)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha halkaas oo uga qaybgalayo Shir madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Afrika.
Madaxweynaha ayaa inta uu socdo shirkan waxa uu kulamo doceedyo la yeelan doonaa  madaxda lagu casuumay shirkaan ee isugu jirta kuwa Afrika iyo kuwa Shiinaha.
Shiinaha iyo Afrika waxa ay shirkaan uga hadlayaan fursadaha ka bannaan qaaradda, doorka Shiinuhu ka qaadan karo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee qaaradda iyo is dhaafisiga faa’iido wadaagga ah ee Shiinaha kala dhexeeya Afrika.
Shirkan oo ay ka qeybgalayaan in ka badan hoggaamiyeyaasha 50 dal oo Afrikaan ah ayaa socon doona 4-6 bishan September.
Hoggaamiyeyaasha labada dhinac ayaa sidoo kale wax iska weydiin doona waxyaabihii ka dhaqangalay mashaariicdii ay horay dhinacyadu qalinka ugu duugeen.