MUQDISHO(HALBEEG)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shir looga hadlayo arrimaha bani aadannimada Soomaaliya.
Shirkan ayaa lagu falanqeynayaa qodobbo ay kamid yihiin ka hortagga khataraha, ilaalinta kaalmada iyo sidii la isaga kaashan lahaa samatabixinta qoysaska u nugul dhibaatooyinka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac, masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA, Wakiillo ka kala socda Qaramada Midoobay iyo Hay’ado kale ayaa shirka goobjoog ka ah.
Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ayaa inta uu shirkaan socdo waxa ay soo gudbineysaa warbixinno la xiriira arrimaha bani aadmanimada, kaalinta looga baahanyahay beesha Caalamka iyo qaabka kahortag loo sameyn karo.
Shirka Madasha Arrimaha Bani aadamnimada ayaa sanadkiiba saddex jeer la qabtaa, waxyaabaha diiradda lagu saaro waxaa ugu weyn xaaladaha ka dhasha isbaddelka Cimillada sida Abaaraha, Daadadka, Fatahaadda iyo kuwo kale.