MUQDISHO(HALBEEG)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha sida lagu baahiyay Telefishinka dowladda Soomaaliya ee SNTV.
Waxa la sheegay inay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.
SNTV ayaa sidoo kale boggeeda Facebook ku sheegtay in dhanka kale ay labada hoggaamiye ka wada xaajoodeen xoojinta iyo ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadidda danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.