WASHINGTON(HALBEEG)- Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday eedo danbiyeed oo ka dhan ah hoggaamiyaha Xamaas Yaxya Sinwaar iyo saraakiil kale, kuwaas oo lala xiriirnayo in ay ka danbeeyeen weerarkii 7-dii October ay Xamaas ku qaadday waqooyiga Isra’iil.
Maxkama ayaa madaxda Xamaas ku soo oogtay 7 fal-danbiyeed oo ay ku jiraan shirqool dil muwaadiniin Maraykan ah iyo shirqool lagu maalgelinayo argagixisada.
Hoggaamiyayaasha kale ee Xamaas ee dacwadaha lagu soo oogay waxaa ka mid ah hoggaamiyihii hore Ismaciil Haniye, Marwaan Ciise, ku xigeenka hoggaamiyaha garabka hubaysan ee ururka, Khaled Mashaal, oo kooxda ku hoggaamiya meel ka baxsan Qasa iyo Daanta Galbeed, Mohamed Deif iyo Ali Baraka.
Waxay kaloo dacwadani ku eedeysay Iran iyo ururka Xibsullah ee Lubnaan, in ay taageero isugu jiro dhaqaale iyo hub ay ka mid yihiin gantaallo iyo saanad millatari siiyeen Xamaas, isla markaana Xamaas hubkaasi u adeegsatay weerarki waqooyiga Isra’iil.
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay, in saddex ka mid ah eedeysanayaasha la rumeysanyahay in ay dhinteen.