SAO PAULO(HALBEEG)- Waxaa muddo toddobaad ka badan garoonka diyaaradaha ee magaalada São Paulo ee dalka Brazil ku xayiran dhallinyaro Soomaali ah, kuwaas oo loo diiday inay ka baxaan garoonka.
Dhalinyaradan oo kala ah laba qaybood oo ku kala horreeyey gaarista Brazil ayaa loo sheegay inay ku sugnaanayaan garoonka inta ay jawaab ka helayaan dowladda dalkaasi.
Dhallinyaradu waxay sheegeen in dalkaas ay ku beegmeen iyadoo maalin ka hor uu soo baxay sharci ay soo saartay dowladda Brazil oo la xiriira inay joojisay qaabilaadda qaxootiga.
Dhalinyadan ayaa ka safray dalka Koonfur Afrika waxayna sheegeen in ujeedka safarkoodu yahay inay u sii tahriibaan dalka Maraykanka.
Waxa kale oo ay sheegeen in kooxda kowaad ee dalkaasi soo gaartay ay ahaayeen 12 qof halka kooxda labaadna ay ahaayeen 18 qof.
Inkasta oo ay dowladda Brazil soo saartay sharci ay ku joojinayso inay qaabisho qaxooti hor leh, hadda dhalinyarada waxay sheegeen inay filayaan inay helaan qaabilaad qaxootinnimo.
Maadaama Soomaalidu ku adagtahay inay soo helaan fiisayaasha saxda ee Brazil waxay qaataan dukumentiyo caddeynaya ah inay transit Brazil ku marayan kaddibna markii ay garoomada dalka soo gaaraaan ayay codsadaan in qaxooti ahaan loo aqbalo.