MUQDISHO(HALBEEG)- Dowladda Soomaaliyaa sheegtay in ay canshuurta gadista ee dhawaan la billaabay qaadisteeda laga dhaafay xarruumaha caafimaadka ee dalka.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiqafaar Cilmi Xaange ayaa sheegay in dowladdu ay canshuur dhaaf u sameeyeen isbitaallada dalka.
“Bahda Caafimaadka waxaan ugu bishaareynayaa in laga joojiyay Isbitaallada canshuurta gadista, waxaana oggaannay in waddamada Afrika aysan xarrumaha caafimaadka ka qaadin canshuurta iibka” ayuu yiri Wasiir ku xigeenku
Dowladda Soomaaliya ayaa bartamihii bishii hore si rasmi ah u dhaqangelisay bixinta cashuurta danabaysan ee iibka.