MUQDISHO(HALBEEG)- Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa ka hadlay ilaalinta madax-bannaanida, wadajirka ummadda Soomaaliyeed, amniga iyo la dagaallanka argagixisada.
Golaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed;
In ay si wadajir ah u difaacdaan madax-bannaanida, gobonnimada iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
In laga fogaado wax kasta oo keeni kara kala qeybsanaan bulshada dhexdeeda ah.
In laga wada shaqeeyo hirgelinta xasillooni siyaasadeed, meelna looga soo wada-jeesto ciribtirka kooxaha argagisada ah iyo wax walba oo khatar ku ah qarannimada.
Golaha ayaa uga mahadceliyey Ciidanka Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeed kaalintooda ku aaddan difaaca dalka.
Sidoo kale shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu meelmariyey Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska.