JUBA(HALBEEG)- Dowladda Koofurta Suudaan ayaa shaacisay in ay dib u dhigtay doorashada madaxweynaha dalkaas oo lagu waday in ay qabsoonto bissha Diseembar ee sanadkan.
Madaxtooyada Koofurta Suudaan ayaa sheegtay in doorashada madaxtooyada ee soo aaddan ay dhici doonto Diseembar 2026.
Koofurta Suudaan ayaa ku naalloonaysa nabad iyo xasillooni tan iyo markii qalinka lagu duugay heshiiskii lagu soo afjaray dagaalladii lagu riiqmay, inkastoo dagaalladda qabaa’ilka ay mararka qaar dhacaan.